Somalia ” Oo Uganda Ugu Hambalyeeysay Dabaadega maalinta xorriyada

9-Oct-2023-Muqdisho

Soomaaliya ayaa Uganda Ugu hambalyeeysay Sanad guurada 61 aad ee ka soo wareegtay markii ay uu xoriyada ka qaateen Ingiriiska oo maanta loo dabaaldagey, kadib markii uu muqdisho kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac,Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda John Mulimba  oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi labada dal ee ku aadan dhinacyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo la dagaalanka argagixisada

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isagoo uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka , John Mulimba ayaa dhankiisa sheegay in Uganda ay ku garab taagan tahay Soomaaliya ku biirista Bulshada Bariga Afrika, si sare loogu qaado isdhex-galka dhaqan-dhaqaale ee waddamada gobolka.

Leave a Reply