Somalia oo la wareegtay hoggaaminta kulan weynaha Hay’adda WHO ee Xafiis Goboleedka EMRO.

10- October-2023″

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaaminta kulan weynaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO/ Xafiis Goboleedka EMRO.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda ferderaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa shir gudoominayay kalfadhigii 70-aad ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO kaas oo looga hadlay sidii loosii am壯陽藥 ba qaadi lahaa hiigsiga horumarinta Caafimaadka, guud ahaan Bariga iyo bartamaha, iyadoo la hubinaayo gaarsiinta Caafimaad dhamaystiran guud ahaan gobolka.

Shirkaan oo ka dhacay Caasimadda Masar ee Qaahira ayaa waxa ka qeb galay Madax kalla duwan oo ka socday dalalka caalamka iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar Ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda ferderaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden oo khudbad dheer ka jeediyay kulanka ayaa ugu horeyn sheegay Inu aad uga walaacsan yahay xaaladda ka taagan dhulka falastiin isagoo ku baaqay in la joojiyo colaadda islamarkaana la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale wasiirka ayaa ka warbixiyay horumaradda laga sameeyay dhanka caafimaadka dalkeena maadama bulsho waynta Soomaaliyeed muhiimad gaar ah u leeyahay adeeg Caafimaad oo tayo leh iyadoo la raacayo nidaamka hirgilinta adeegga caafimaad oo loo dhan yahay.

Shir weynahaan ayaa inta uu socdo waxa looga hadli doona mowduucyo kalla duwan oo muhiim ah iyado lasoo gabagabeyn doono maalinta khamiista.

Leave a Reply