October 13, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay hogaamiyaha deegaannada SSC
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay hoggaamiyaha deegaannada SSC, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa.
Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha kale ee dowladda.
Waxaa uu Cabdiqaadir Axmed Firdhiye warbixin madaxda ka siiyay xaaladihii ugu dambeyay ee SSC iyo caqabadihii ka dhashay dagaalladii halkaa ka dhacay.
War kooban oo lagu baahiyay bogga Villa Somalia ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay hoggaamiyaha deegaannada SSC, in dadka deegaannadaas looga baahanyahay in ay ka shaqeyaan nabadda, wada noolaashaha iyo xasiloonida.
Golaha Ammaanka oo shan tallaabo ugu hanjabay dadkii ku lugta lahaa dagaalka Laascaanod
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa farriin u diray dadka ku lugta lahaa dagaalkii Laascaanood ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo ciidan beeleed ay dowladda Hargeysa ku tilmaamtay inay argagixiso yihiin.
Golaha oo adeegsanaya qaraarka 1844 ee 2008dii ayaa sheegay inay tilaabo ka qaadi karaan dadka qeybta ka ahaa dagaalka oo horseeday dil iyo kufsi, dugsiyo iyo isbitaalo la waxyeeleeyay, afduub iyo barakicin.
Qaraarkaas ayaa faahfaahinaya shan talaabo oo laga qaadi karo dadka loo adeegsado. Waxaa ka mid ah in dadka liiskaas kusoo baxa lagu soo rogo xayiraad socod, iyo in hantidooda la xayiro, si gaar ah lacaga ugu jira bankiyada.
Hay’addaha iyo dowladaha waxaa laga hakiyaa tababarka ciidan, kaalmada dhaqaale ee dibeda laga helo, iyo xayiraad dhanka hubka ah.
Waa imisa tirada maxaabiista iyo gaadiidka ay SSC sheegteen inay Somaliland uga qabsadeen Goojacadde?