5- November-2023
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa la horgeeyay illaa 11 mas’uul oo ka tirsanaa maamulka degmooyinka gobolka Banaadir, oo loo heesto inay ka tirsanyihiin Alshaaab Dheeho News Every Day
11-ka qof ee la horgeeyay maxkamadda ayaa 8 kamid ah waxa ay yihiin rag, halka saddexda kalena ay yihiin dumar, kuwaas oo loo haysto la shaqeynta Al-Shabaab.
Sidoo kale kooxdan ayaa loo haystaa inay ahaayeen shabakad isku xiran oo basaasiin u ah Al-Shabaab, isla-markaana ka howlgaleysay degmooyinka kala ah Hodan, Howlwadaag, Heliwaa, Dayniile, Yaaqshiid iyo deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho.