Ciidamo kala dhex-galay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Xananbuure

4- November-2023″

Ciidamada ammaanka ayaa si buuxda ula wareegay ammaanka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud oo muddo ay isku hor fadhiyeen Maleyshiyo beeleed ka soo kala jeeda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado. Dheeho News Every Day

Ciidamada ammaanka ayaa si buuxda ula wareegay ammaanka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud oo muddo ay isku hor fadhiyeen Maleyshiyo beeleed ka soo kala jeeda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado waxaana ay soo saareen saraakisiha ciidamadu awaamir  amniga lagu adkeynayo.

Waxaa laga Mamnuucay magaalada in Hub lagu dhex qaato marka laga reebo Laamaha Ammaanka, mas’uuliyiin ka socota Maamullada labada magaalo ayaa ku sugan magaaladaas iyaga oo ka shaqeynaya in xal waara laga gaaro colaad beeleedka.

Deegaanka waxaa Ragaadiyey codaaladda muddada dheer ka jirtay waxaana ka muuqda dib u dhac weyn iyo burbur dad tiro yar ayaa ku sugan waxaana ay odayaasha deegaanku soo dhaweeyeen talaabadda dowladdu ciidamada ku geysay halkaas.

Halkan hoose ka daawo Saiwrrada:-

Leave a Reply