21- November-2023- BBC

Dowladda Finland ayaa sheegtay inaysan suurtogal ahayn inay celiso magangalyo doonka aanan u qalmin in dalkaas magangalyo laga siiyo, waxayna sheegtay inay xannibaad dheeri ah saari doonto meelaha ay muhaajiriintu kasoo galaan ee Ruushka kaddib marka ay kordheen tirada dadka dalkaas galaya.
In ka badan 500 oo magangalyo doon ah, badankoodna kasoo jeeda Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq ayaa labadii toddobaad ee lasoo dhaafay tegay Finland – oo ka tirsan Midowga Yurub – iyagoo sii maraya Ruushka.
Arrintan ayaa xukuumadda Helsinki ku kalliftay inay xirato xudduudaheeda iyaodo ku eedeysay Moscow inay muhaajiriinta u oggolaaneyso xadkeed. Moscow ayaa beenisay eedeyntaas.
犀利士 — wp:paragraph –>“Musaafurinta muhaajiriinta aanan u qalmin magangalyo ayaa suurtogal noqon weyday, marka gelidda xadka waxay micnaheedu tahay inaad dalkaas joogi karto haddii aad dooneyso,”ayuu yiri Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto mar uu booqasho ku joogay Poland.
Tallaabo dheeraad ah ayaan qaadeynaa”

Raysal wasaaraha Finland Petteri Orpo ayaa isna sheegay in dowladdiisa ay qaadi doonto tallaabo dheeraad ah haddii loo baahdo, balse wuxuu diiday inuu wax ka dhoho in Finland ay xiri doonto dhammaanba marinnada laga gudbo ee ku yaalla xadka ay Ruushka la wadaagto.
“Waxa ugu weyn ayaa ah inaan nahay dad go’aan leh… Haddii aysan is beddelin xaaladda, si degdeg ah ayaan tallaabo dheeraad ah u qaadi doonnaa,” ayuu yiri Orpo mar uu booqasho ku joogay marinka Vartius ee weli furan kaasoo ilaa 700 km (435 meyl) waqooyi kaga beegan Helsinki,
Tomi Kivenjuuri, oo ah madaxa qeybta sharciga ee Ilaalada Xadka, ayaa sheegay in dhammaanba dadka halkaas jooga aysan markii hore dooneyn inay tagaan Finland, balse lagu qasbay inay magangalyo ka raadsadaan dalkaas kaddib markii dowladda Ruushka ay ka xiray xadkeeda.
“Ma jirin wax kale oo ay sameeyaan marka xaaladda lagu jiro,” ayuu Kivenjuuri u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters.Aqalka Kremlin ayaa shalay sheegay inay cabasho rasmi ah ka gudbiyeen xiridda xadka ee halka dhinac ah, isagoo sheegay in go’aankan uu ka tarjumayo sida looga soo horjeedo Ruushka.
Sanadkii 2021, Poland, Lithuania iyo Latvia ayaa saaxiibka dhow ee Moscow ee Belarus ku eedeeyay in xuddoodahooda ay si kas ah uga abuureyso xasarad muhaajiriinta ah iyagoo dadka ka keenaya Bariga Dhexe iyo Afrika iskuna dayeysay inay soo dhoobto xadka, eedeyntaas oo ay marar badan beenisay Belarus.

Finland ayaa dhowaad xirtay afar ka mid ah xuduudaha ay la wadaagto Ruushka si ay isugu daydo in ay hakiso qulqulka magangalyo doonka ee ay sheegtay in Moscow ay soo jiheysay.
In kabadan 30 sano ayey Soomaalidu isticmaali jireen xuduudahan ay Finland xirtay ee looga soo gudbo dhinaca Ruushka.
Helsinki waxa ay deriskeeda ku eedaysay in ay tahriibayaasha soo marineyso kannaalo ay kasoo galaan dalkeeda iyada oo kaga gol leh arrimo siyaasadeed.
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Finland ay samaynayso “khalad weyn” ayna burburinayso xiriirka labada dal.
