22- November-2023

Waxaa saaka soo weeray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, Kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka Dagaalanta Bariga Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Cabdillaahi Axmed Caarshe oo ah Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha maamulka Somaliland
Dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul.
Kooxaha Huwanta ah ayaa caaddaystay in ay weeraro joogto ah ku soo qaadaan dadka shacabka ah ee degaanada Buq-dharkayn iyo Qorilugud.
Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay,waxayna difaacayaan karamada iyo sharafta dadkooda shacabka ah.

Maxaa Ka Run Sheegashada Labada Dhinac ?
Dagaalka oo saaka waabarigii billowday ayey labada dhinacba sheeganayaan guulo iyadoo lasoo werinayo in dhinac walba uu joogo isla fariisimihiisi犀利士 i.
Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in dagaalka ay sabababeen garaadadada Khaatumo oo uu sheegay in ay ku suganyihiin halka uu dagaalku ka socdo.
Dhinaca kale maamulka SSC Khatumo oo ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay weerarka soo qaadday.
Dagaalkan ayaa sababay khasaare soo gaaray labada dhinac oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin. Dhanka kale, waxaa lagu soo warramayaa in shacabka ku nool degmada Yeeyle ay maanta ka barakaceen guryahooda cabsi ay qabaan awgeed

SSC Khaatumo Oo War Kasoo Saartay Dagaalka Degmada Oog
Maamulka SSC Khaatumo ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray dagaalka saaka ka bilowday meel u dhow degmada Oog oo u dhaxeysa Buur-dharkeyn iyo Yeeyle ee gobolka Sool.
Waxay sheegeen in ciidamada Somaliland ay saaka weerar ku soo qaadeen degmada Yeeyle iyo goobo ay ku sugnaayeen wufuud nabadeed oo uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, kuwaas oo la sheegay in sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen deegaanadaas.
Weerarkii ka dhashay duullaankaas ayay sheegeen inuu weli socdo, kaas oo u dhaxeeya labada dhinac.
Waxay sidoo kale warsaxaafadeedka ku sheegeen in xoogagga SSC Khatumo ay gacanta ku dhigeen maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo ay sheegeen inay saxaafadda u soo bandhigi doonaan saacadaha soo socda.
Maamulka SSC Khaatumo wuxuu ogeeysiinayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshiyaha deriskooda isla marakaana ay u hogaansamayaan xeerarka caalamiga iyo go’aanada golaha ammaanka’ ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka
