25- N犀利士 ovember-2023
Madaxweyne Xasan Shiikh Waxa uu Somalida u shiday Iftiin Rajo Mustaqbal fog leh
Iftiinka cagaaran ee uu shiday Madaxweyne Xasan shiikh ooy ka buuxaan fursado”ayaa banaanka u soo baxay kadib Isbadelkii talada dalka markii uu ka dhigay mid fashilmay talaabadii niyad jabka laheyd ee uu farmaajo ku doonayay In uu Somalia ku dhexgaliyo_Ethiopian_ka bad,raadiska Ah”
Ma, sahlaneyn in la maleeyn karo imaanshaheena halkaan ilaa aan soo gaarno Isbadelkii dhaliyay dib ugu soo laabashadii Talada Somalia Madaxweyne Xasan Shiikh, taas oo horseeday inaan aragno duullaanka ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo dib u riixida damacii 4_ta dakaddood ee Ethiopia, Iyadoo dalku uu bilaabay inuu, Isu leexiyo u dhaqaaqista wado kale oo leh hami soo dadajiyay helitaanka horumarkan la taaban karo
Soomaaliya ayaa Jimcihii loo ogolaaday in ay ka mid noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) markii ay noqotay xubinta sideedaad ee ururka, iyada oo doonaysa in ay ku balaariso ganacsiga xorta ah ee gobolka oo dhan.
Somalia oo leh xeebta ugu dheer africa ayaa suuqa ay ku biirtay waxaa ku jira 5 dal oo aan laheyn bad, Iyadoo gelitaanka Somalia ee dallada bariga Africa uu kor u qaadi doono suuqa EAC oo lagu wado in la gaarsiiyo in ka badan 300 milyan oo qof
EAC, oo fadhigeedu yahay magaalada Arusha ee dalka Tanzania halkaas oo shir-madaxeedka uu ka dhacayay, ayaa looga dhawaaqay xubinimada Somalia oo doonisteeda uu soo bilaabay Madaxweyne Xasan Shiikh sanadii 2012_kii
Dalladan oo la aasaasay sanadii 2000, ayaa ka shaqeeysa dhiirigelinta ganacsiga iyada oo meesha ka saareysa canshuuraha u dhexeeya waddamada xubnaha ka ah.
Ka hor Somalia,, marka la isku daro dalalka EAC ayaa daboolay dhul dhan 4.8 milyan oo kiilomitir oo laba jibaaran (1.8 milyan oo mayl oo isku wareeg ah) waxayna lahaayeen wadarta guud ee wax soo saarka gudaha $305bn, sida lagu sheegay website-ka ururka Wadarta guud ee ganacsiga EAC wuxuu ahaa $78.75bn sanadii 2022
Madaxweynaha Xasan Shiikh Ayaa Gudoomay Xubinnimada Kursiga Jamhuuriyada Fadaraalka Somalia Ee Dallada Bulshada Bariga Africa 🙏 Villa Somalia ayaa sidaas ku warantay✅
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.
Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.
“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna ayuu yiri Madaxweynaha Somalia oo intaas aan kaga harin hadalkiisa
Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.