Argagixisada Alshabaab oo isaga carartay Saldhigyo ay ku lahaayeen Koonfurta Gobolka Mudug

6- December-2023- SONNA

Wararka imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya inay khawaarijta ay carareen saldhigyo ay ku lahaayeen aagga Deegaanada Dumaaye iyo Dabaglo ee koonfurta Gobolka Mudug

.Khawaarijta ayaa sidoo kale ka cararay qaar ka tirsan Maxaabiis Badan oo ay haysteen kadib culays kaga yimid Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug

Magaalada Bajeela ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa caawa lagu soo Bandhigay 6 ka mid ahaa Maxaabiistii Khawaarijta ka carareen kuwaas oo ka mid ahaa 11 Qof shacab ahaa khawaarijtuna 2021 ka Afduubteen  Miyiga Degmada Wisil

Khawaarijta arxanka daran ee AS ayaa waxaa soo wajahay Walaac iyo walwal xooggan taasina waxay sababtay inay ka cararaan Saldhigyadoodii

壯陽藥 is-type-rich is-provider-twitter wp-block-embed-twitter”>

Leave a Reply