23- December-2023- BBC
Maxay tahay go,aanka isimada Khaatuma hadii musharaxiin deegaanadooda ka soo jeeda ay ku soo baxaan liiska xildhibaanada Puntland?
Garaadada Khaatumo ayaa soo saaray go’aan ay ka gaareen xulista xildhibaanadii ay ku lahayeen Puntland kuwaas oo dhan 17 xildhibaan.
Go’aanka Isimmada ayaa yimid xilli xulista xildhibaanadu ka socoto Puntland qaar badan oo ka mid ahna ay odayaasha dhaqanku soo saaraan.
Sool iyo Buuhoodle ayaa lahaa tirada ugu badan ee hal beel ku lahayd baarlamaanka Puntland laakiin hadda go’aanka ayaa haddii uu hirgalo baddalaya qaabdhismeedka saamiqaybsiga baarlamaanka.
Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo ah afhayeenka garaaddada ayaa BBC-da u sheegay in ay ka fursan waayeen inay qaataan go’aankan ka dib soo jeedinta dadka Khaatumo.
Annaga iyo Puntlnad waxaa nahay labo maamul oo walaalo ah, waxaanan hadda arrintan u samaynay inaysan isku milmin oo ay kala ahaadaan laba kala soocan, mana is lihin waxbaa u dhimaysaan walaalihiin Puntland, qorshuhu wuxuu ahaa inaan shirweyne yeelano laakin doorashada Puntland oo ku go’an qabsoonkeeda 8 janaayo ayaa keentay inaan sidan u soo saarno” ayuu BBC-da u Sheegay Garaad Cabdisalaan Xasan.
Garaadka oo ka jawaabayey haddii tani abuuri karto khilaaf siyaasadeed oo soo dhexgala Puntland iyo Khaatumo ayaa sheegay inaysan filayn inay dhaco balse ay si walba iyagu u yihiin kuwa ku qasban inay qaataan waxaa shacabka Khaatumo ay doonayaan.
Gudoomiyihii hore ee dalladda ururada Bulshada Rayidka ee Puntland Faysal Axmed Warsame ayaa BBC-da u sheegay arintan ay saamayn ku yeelanayso doorashada hadda howsheedu ka socoto Puntland, taasna ay keeni doonto in doorashada hadda lagu gali doono 49 mudane oo baarlamaanku noqonayo marka laga reebo kuwa Khaatumo. Faysal wuxu sheegay in kooramka oo seddex meelood laba marka u buuxsamo la qaban karo doorasho madaxweyne.
Laakinse wuxuu sheegay Faysal in “saamaynta ay arrintan ku yeelanayso doorashada ay tahay dib u dhac ku yimaada doorashada oo laga yaabo in aysan wakhtigeeda ku qabsoomin, iyo khilaafyo hor leh oo soo kala dhex gala mucaaradka iyo dawladda oo ku saabsan sida loo wajahayo go’aanka garaaddada”.
Aragtidaas oo kale waxaa qaba Cabdiweli Maxamuud Gurey oo mar u istaagay tartanka madaxtinimada Puntland. “Wakhti ayey qaadan doontaa khilaafka dhashay la xalliyo, muddadaasna waxaa dhici karto in doorashadu dib u dhacdo” ayuu yiri.