Guddoomiyaha Baarlamaanka oo qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Minnesota

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Xildhibaan Hodan Xasan ayaa ugu horeyn soo dhawaynta wanagsan ee loo sameeyay uga mahadcelisay madaxdii iyo Xildhibaannadii kala duwaneyd ee dalkeeda ku soo dhoweysay, waxaana ay Guddoomiyaha la wadaagtay kaalinta firfircoon ee qurbojoogta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ay ku talaabsanayaan guulo badan oo dalkeena qiimo u leh.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo uga mahadceliyay xildhibaanada booqashada ay ku timid dalka ayaa kula dardaarmay in ay laba jibaaraan kaalinta muhiimka ah ay ku leeyiin qurba-joogta Soomaaliyeed dalalka ay ku noolyihiin.f

Leave a Reply