3- January-2023 Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS oo maanta Shir isagu yeertay Danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa warbixin ka siisay Xaaladda Go’aa犀利士 nka Soomaaliya ee ku wajahan Xadgudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee JFS.
Siihaayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Cali Balcad ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shirka oo muhiim ahaa uu ku saabsanaa in Danjireyaasha caalamka dowladdu garsiiso go’aankeeda ku aaddan talaabada xadgudubka ah ee ay qaadday Xukuumadda Addis Ababa.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Masar oo ka wada hadlay xaaladda Gobalka
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah.
Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka
Madaxweynaha JFS iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay arrimaha hortabinta u leh Labada dal
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal.
Labada hoggaamiye ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.
RW ku xigeenka dalka : Waxa maanta ii muuqatay cududda, caqliga, kartida iyo awoodda ummadda Soomaaliyeed
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in filicka dowladda Itoobiya ee ku aaddan qaadashada badda Soomaaliya ay in ay dhalisay yididiilo cusub oo mideysay dareenka bulshada Soomaaliyeed.
“Dhiiladii shalay waxa bededalay yididiilo, dhaqaaq, dedaal iyo ficil, haddaynu Soomaali nahay waxa maanta ii muuqatay cududda, caqliga, kartida iyo awoodda ummadda Soomaaliyeed, marka ay midaysan tahay, heshiis ku-sheeggii sharci-darrada ahaa ee 1/1/2024 magaalada Addis Ababa ay kaga dhawaaqeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo xadgudub cad iyo gardarro ku ah gobannimada, qarannimada, madax bannaanida, iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.