Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
26- June-2023
Madaxa guddiga doorashada Itoobiya Birtukan Mideksa, ayaa ku dhawaaqday inay iscasishay.
Qoraal ay soo dhigtay Facebook Isniintii, ayay Ms Birtukan ku sheegtay caafimaadka sabab ay uga tagto booskeeda. Baarlamaanku weli waa inuu aqbalo iscasilaadda.
Waa xaakim hore iyo maxbuus siyaasadeed, waxaana magacaabisteeda in ka badan afar sano ka hor loo arkay inay qayb ka tahay tallaabooyinka dib u habeynta ee ay soo bandhigtay dowladda cusub.
Sannadkii 2018-kii, ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa xilka la wareegay isagoo ballan-qaaday inuu soo afjari doono tobanaan sano oo xukun kali-talis ahaa.
Markii uu kula taliyay Marwo Birtukan jagada ugu muhiimsan ee guddoomiyaha guddiga doorashada, wuxuu ku tilmaamay inay tahay qof aan “weligeed isa soo dhiibin, xitaa dowladda”.
Waxay madax ka ahayd guddiga xudunta u ahaa muranka dib u dhigista, Covid, ee doorashooyinka guud ee ay ahayd in la qabto May 2020.
Dib u dhaca doorashada – oo ay dadka siyaasadda u dhuun daloola ee gobolka Tigray-ga u arka in Ra’iisul Wasaare Abiy uu xukunka ku sii hayo si aan dastuuri ahayn – ayaa ka qayb qaadatay dagaal sokeeye oo lagu qiyaasay in ka badan nus milyan qof. dilay.
Doorashada ayaa sanad kadib dalka oo dhan ka qabsoontay marka laga reebo Tigray-ga ay dagaaladu ku dhufteen.
Wareysi ay dhawaan siisay BBC, Ms Birtukan ayaa sheegtay in hadda deegaanka Tigray uusan ku habooneyn in doorasho halkaas ka dhacdo, sababo la xiriira dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee sii socda.
Horaantii sanadkan qof kale oo sare, Meaza Ashenafi, ayaa is casishay. Magacaabisteeda 2018 ee madaxa maxkamada sare ee dalka waxay sidoo kale u aragtay inay calaamad u tahay horumarka Itoobiya ee dhanka dimuqraadiyadda.