8- January-2024- Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay Ereteriya ayaa Djibouti ku Riixay Inay ka Baxdo Aamusnaantii ay ku jirtay
Dowladda Jabuuti Oo baahisay war ku saabsan damaca Itoobiya ee dhulbadeedka Soomaaliya Ayaa waxay sheegtay inay muhiim tahay in la ilaaliyo madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, kadib dhowr cisho ka hor markii ay hoos u dhigtay carada Somalia ee ku aadan boobka qaawan ee Itoobiya
Djibouti Ayaa go,adoomin kala kulantay madaxweynihii hore Somalia Maxamed Cabdulaahi Faramaajo,Iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh Oo wanaajiyay xiriirka labada dal uu d犀利士 howr mar u duurxulay Ismaaciil cumar geele iyo maamulkiisa Isgaabintooda iyo cadeyn la,aanta mowqofkooda ku aadan xadgudubka itoobiya ee bada Somalia
Djibouti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD ayaa meel cad Oo Somalia garab u ah Iska taagtay qadiyada madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somalia Iyo dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika”
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Jabuuti saacado yar kadib markii Madaxweynaha Somalia Dr: Xasan Shiikh Maxamuud uu gaaray Magaalada Asmara arintaas lagu qeexay