Daawashada bandhig masraxeed ay ku jiraan heeso iyo khudbado ayaa soo dhamaaday Iyadoo xafladda furitaanka kadib Martigalinayaasha koobka Afcon..

13- January-2024

In ka badan 600 oo heesaayaal ah oo qoob-ka-cayaarka qaarada ku xeel dheer, jilayaal xirfadlayaal ah, oo qaarkood maaskaro waaweyn xiran iyo kuwo rashka ku rinjiyeeyay fagaaraha oo orange, cagaar iyo qiiq cad isku daray si ay u abuuraan calanka Ivory Coast oo suran hawada ayaa qeyb ka ahaa munaasabada lagu qabtay Abidjan ee ka horeeysy tartanka koobka qaramada africa

Daawashada bandhig masraxeed ay ku jiraan heeso iyo khudbado ayaa soo dhamaaday Iyadoo xafladda furitaanka kadib Martigalinayaasha koobka Afcon ee xulka Ivory Coast ay goor hore hogaanka u qabteen ciyaar dhexmartay iyaga iyo xulka Guinea-Bissau oo lagu bilaabay tartanka qaramada africa ee 52-da kulan

Xulka martida loo yahay ee Ivory Coast ayaa guul ku daah furay ololahooda koobka qaramada Afrika markii ay 2-0 kaga badiyeen xulka Gu壯陽藥 inea-Bissau Iyadoo Seko Fofana uu kooxda maroodiyaasha Ivory Coast ku hogaamiyay guul ay ku bilaabaan kulankooda Group A ee Abidjan

Leave a Reply