25- January-2024-
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabadda caleemo saarkiisa ee ka socoto magaalada Garoowe ayaa sameeyay ballanqaad cusub oo la xiriirka xiisadda kala dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay in uu la fariisinayo madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana uu dhigayo gogol Soomaaliyeed, isagoo ballan-qaaday inuu ka shaqeynayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.
“Waxaa rabnaa haddii aan nahay Puntland in aan gogol Soomaaliyeed dhigno, waxa lagu kala tabanayo in aan halkan ka sheego ma rabo ee gogol uu madaxweynaha (Xasan) hoggaaminayo ayaa ino壯陽藥 o fidsan,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.
R/wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo Khudbad ka jeediyay xafladii Caleema saarka Madaxweynaha Puntland
Madaxweyne Lafta Gareen “Maanta maalin looga dhanyahay dhamaystirka Dastuurka ma jirto, marka la eego dadaalka iyo wadatashiga uu Madaxweynaha JFS uu galiyay”
Madaxweyne Qoor qoor” Arrinta Ethiopia, dowladda Federaalka ayaa noo hadashay hadaan nahay dowlad goboleedyada ,waa inaan ku garab istaagno dhammaanteen difaaca dalkeena”.
kkhudbada Cali Guudlaawe
RW hore Cali Maxamed Geedi ” Umadda Soomaaliyed haatan waa u diyaar sanyihiin difaacida Madaxbannaanida Qaranimada iyo Sharafta Dalkeena.”