24Feb-2024
Somalia Waxay Dhahday Buur Ahaaw Ama Buur Ku Tiirsanaaw
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa salaan ka qaatay raxan ciidamada Badda Turkiga, oo uu, u sameeyay sagootin si, ay ugu shiraacdaan difaaca xeebta ugu dheer Afrika ee Soomaaliya ,
Sagootinta Erdoğan ayaa niyad jabineysa duulaanka damaca Itoobiya ee badda Somalia ooy riixayeen Fance iyo Spain kuwaas in mudo waday dadaal ay ku bixinayeen diyaarinta ciidan badeed ay Adisababa yeeëato
Raysilwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay bilo ka hor sharci iyo sharcidarro midkey noqotaba in dalkiisu uu galayo bada cas, Isaga oo heshiis la galay maamulka gooni-u-goosadka gobolka Waqooyiga Somalia ee Somaliland.
Laakiin Muqdisho oo qaaday dagaal diblomaasi ayaa ku guuleystay inay Adisababa ka burburiso hankeeda ku aadan Badda Somalia oo xoogeeystay intii lagu jiray nidaamkii farmaajo oo Itoobiya u yaaqanay Big brother
Somalia ayaa sixiixday heshiis Ankara ay ku ilaalineyso xeebaha dalka ku yaal Geeska Afrika, Iyadoo Itoobiya ay la gashay heshiis xuduudo ilaalin ah Britain oo ka mida dalalka sida adag ugu muujiyay Somalia muhiimada ay leedahay inaan lagu xadgubin madaxbanaanida oyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya
Muxuu yahay hadalka aad u niyad jabiyay Itoobiya ee Soomaaliya ka sheegtay Qaramada Midoobay?
Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay aad uga niyad jabtay hadal ay uu ergeyga dawladda Soomaaliya ka jeediyay kulanka Qaramada Midoobay, aas oo uu ku sheeay in heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya 犀利士 uu la mid yahay iclaamin dagaal.
Ergeyga Itoobiya ee Qaramada Midoobay ayaa isna sheegay in hadalka uu argeyga Soomaaliya goobta ka jeediyay ay ka buuxeen “Beeno fara badan”.
Abuukar Cusmaan Baalle, ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa intii uu socday shirkii Golaha Amaanka, waxa uu ku eedeeyay Itoobiya in ay qorsheyneyso in ay goosato qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo ay ka dhisato saldhig milatari.
Itoobiya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in eedo aan dhamaad lahayn oo aan gar ahayn ay mar walba soo jeedinayaan madaxda Soomalaidu.
Safiir Abuukar Baale ayaa ka dhex sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, in tallaabooyinka ay ku dhaqaaqeyso Itoobiya ay yihiin kuwa horseedaya soo nooleynta argagixisada, sida ururka al Shabaab, sidoo kalana dhiirigalineysa kala qaybsanaanta qabiil ee ka jirta geeska Afrika.
Balse wuxuu sheegay in uu la mid yahay heshiisyada dhexmara dawladaha ee fursadaha la isku siiyo badaha, ee kirada ah.
“Itoobiya ma dooneyso in ay cidna dhibaato u geysato,” ayuu yiri safiirka Itoobiya, isaga sheegay in heshiiska is-afgarad uu guul laba dhinac la ah u yahay labada dhanba, Itoobiyana siinayo fursad ay badda uga faa’iideysato.
Laakiin safiirka Itoobiya ee hayadda Qaramada Midoobay ayaa qiray, in heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray dalkiisa iyo Somaliland oo aysan aqoonsanayn wadamada caalamku uu yahay mid ugub ku ah dhaqamada caalamiga ah ee la yaqaano.
Laakiin booska Soomaaliya ee arrintaan ayaa mar walba cadaa, sida ay horay uga dhawaajiyeen madaxweynaha iyo masuuliyiin kalaba.
Ciidamada Itoobiya ayaa muddo ku sugnaa Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2007 dii, xilligaas oo ay caawinayeen dawladdii kumeel-gaarka ahayd ee waqtigaas jirtay.
Sidoo kale haatan ayaa wali ciidamada Itoobiya ku usgan yihiin gudaha Soomalaiya.
Itoobiya ayaa ku doodeysa “in ay nafhurnimo u sameysay nabadda iyo amniga Soomaaliya,” sida uu sheegay safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay.
Hadal kan lamid ayaa sidoo kale waxaa dhawaan jeediyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.
Waxa uu xusay in Itoobiya ay la dagaalameysay ururka al Shabaab in muddo ah, iyada oo ciidamadeeda gaysay gudaha Soomaaliya, si ay Soomaaliya uga kaalmeyso dhanka ciidamada, ayna mar walba diyaar u tahay in ay sidaas oo kale wali u caawiso Soomaaliya.