11- April-2024

Bate Urgessa, oo ka tirsanaa xisbiga Jabhadda Xoreynta Oromia (OLF), ayaa bishii tagtay lagu sii daayey damaana壯陽藥 d kadib markii lala xiray saxafi u dhashay Faransiiska Antoine Galindo.
41-jirkan ayaa waxaa mar kale goor dambe oo Talaadadii ah xiray “ciidamo hubaysan oo kuwa dowladda ah,” isagoo ku sugan hoteel ku yaalla magaalada Meki, oo 150 km u jirta koonfurta caasimadda Addis Ababa, waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka OLF Lemi Gemechu.
“Waxaa kadib muddo kooban loo kaxeeyey xarun dadka lagu hayo oo ku taal magaalada,” ayuu yiri Lemi.