Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo taageerada gargaar ee loo baahan yahay la qaatay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u soo magacowday dalkeenna Md. Wang Yu.
Guddoomiyaha ayaa Safaaradda uga mahadceliyay doorka wanaagsan ee ay ka qaadato dedaallada gargaarka iyo mashaariicda hormarka dalka, isagoo la wadaagay baahida xilligaan loo qabo, kaabayaal sida; bakhaarro, gaadiid iyo qalab lagu tabco calafka xoolaha oo loogu talagalay in la adeegsado xilliga jiilaalka.
Danjire Wang Yu, ayaa ballan-qaaday in dhawaan Dowladda Shiinaha ay waddanka keeni doonto gargaar raashin ah, isagoo xusay inuu sii xoojin doono wada-shaqeynta iyo iskaashiga arrimaha gargaarka ee ka dhaxeeya hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Safaaradda Dowladda Shiinaha.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa gaadiid sida shixnad gargaar ah waxa ay u dirtay magaalada Mesegawaa ee Gobolka Galgaduud.
Gaadiidkaan ayaa sida gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, waxa ayna gaarayaan 10-gaari oo ah nuuca xamuulka qaada, iyadoo SoDMA mucaawinadan ugu talagashay shacabka ku nool Mesegawaa oo dagaal adag kula jira khawaarijta.
Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an fulinta awaamiirta Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul wasaaraha XFS oo ah in goobaha laga saaro khawaarijta bulshada ku nool ay gaarsiiso gurmad kasta oo la heli karo, ka fulinta mashaariicyo iyo gaarsiinta deegaannadaas adeegyada aas aasiga u ah bulshada.