27′ Aug”2024 ” Wasaaradda Waxbarashada Hiddiha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad Dugsiga Sare ee Dalka.
Wasaaradda waxbarashadda ayaa sheegtay in tirada Imtixaanka u fariisatay ahayd 36,034Arday halka tirada Gudubtay tahay Arday 33,666.
Waxa sidoo kale natiijada Imtixaanka ku dhacay 2,366 Arday
Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashada ayaa ku dhawaaqay in dowladdu sannadkan waxbarasho siinayso 3,000 Arday gabdho ah tan oo ah deeq taas oo lagu baranayo tababbar macallinimo iyo Tababbarka Caafimaadka kuwaas oo la baranayo mudo saddex sanno ah tan oo ah fursad u gaar ah hablaha Soomaaliyeed.
Kaalinta koowaad waxaa kusoo baxay Zakariye Xuseen Maxamed oo dhigta iskuulka Al-marwaazi oo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, sida ay shaacisay wasaaraddu.
“Kaalinta 1’aad waxaa galay 𝐙𝐚𝐤𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧, oo ka socday 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫, Dugsiga 𝐀𝐥-𝐦𝐚𝐫𝐰𝐚𝐳𝐢 𝐃𝐞𝐲𝐧𝐢𝐢𝐥𝐞, darjada uu heleyna waa 𝟖𝟗%” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dhanka kale wasiirka waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dowladdu sannadkan waxbarasho siinayso 3,000 Arday, isla markaana fursad gaar ah la siin doono gabdho soo gudbay.
Waxaa kale oo uu xusay in la bari doono tababbar macallinimo iyo Tababbarka Caafimaadka oo la baranayo mudo saddex sanno ah tan oo ah fursad u gaar ah hablaha Soomaaliyeed.
Dowladda federaalka ayaa sanadihii ugu dambeeyay qaadeysay imtixaanaadka mideysan ee dugsiyada sare, waana mid kamid ah guulaha waa wayn ee uu dalku gaaray.