13 qof ayaa lagu dilay gobolka Blue Nile ee dalka Suudaan Isku dhacyo beeleed oo ka soo cusboonaady

17″ October “2022” Aljazeera

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay in ka badan 24 kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshado beeleed ka soo cusboonaaday toddobaadkan gobolka Blue Nile ee koonfurta Suudaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

War qoraal ah oo uu soo saaray Isniintii, xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ayaa lagu sheegay in laba qof oo reer Xaaji ah lagu dilay Khamiistii meel u dhow Dam Town 6 ee deegaanka Wad al-Mahi, xilli uu ka taagnaa muran dhul, sida ay sheegayaan warar aan la xaqiijin.

Warku wuxuu intaa ku daray in dilkan uu dhaliyay iska horimaadyo u dhexeeya qabiilka Hausa iyo qabaa’ilka kale ee ku nool aagga magaalada Dam, kaasoo socday muddo afar maalmood ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in dad lagu qiyaasay 1,200 oo qof ay ku barokaceen rabshadaha oo ay gabaad ka dhigte犀利士 en iskuullo iyo xero qaxooti oo ku taal Dam Town 6, OCHA ayaa tiri.

Suuqyada deegaanka iyo xafiisyada dowladda ee magaalada ayaa sidoo kale albaabada loo laabay xaalada kacsan awgeed, taasoo keentay in dadka deegaanka aysan heli karin baahidooda maalinlaha ah.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta gobolka ay ku soo rogeen xannibaado dhaqdhaqaaqa gobolka iyo ciidamada ammaanka ayaa la geeyay Wad al-Mahi iyagoo filanaya qalalaasaha kale ee ay sababaan weerarrada aargoosiga ah.

Sida ay sheegtay hay’adda socdaalka caalamiga ah ee IOM, waxaa la sheegay in dadka reer Hausa ay deegaanka ka saareen qabiilka Aj Jabalaween.

Isku dhacyada u dhexeeya qabaa’ilka Hausa iyo Xamaj ayaa bilaawday bishii Luulyo, waxaana 6-dii Oktoobar, 149 qof lagu dilay dagaalka.

Ugu yaraan 124 qof ayaa ku dhaawacmay rabshadaha tan iyo markaas, iyadoo ilaa 64,800 oo qof ay ku barokaceen.

Inkastoo hogaamiyayaasha labada qabiil ay saxiixeen heshiis lagu joojinayo dagaalka horraantii Ogosto, haddana dagaallo ayaa soo cusboonaaday tan iyo bishii Sebtembar ee gobollada Ar Rusayris iyo Wad al-Mahi.

Dagaallada cusub ee ka socda gobolka Blue Nile ayaa sidoo kale dhaliyay mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay gobollada kale halkaas oo kumannaan kun ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay uga mudaaharaadaan wax ka qabasho la’aanta dowladda ee isku dhacyada.

Waxay ahayd rabshadihii ugu dambeeyay ee beelaha u dhexeeya ee ku dhaca Suudaan, oo hoy u ah dhowr colaado qawmiyad oo muddo dheer socday. Dalka ayaa horey u ahaa mid qalalaase ka jiray tan iyo markii militariga ay la wareegeen dowladda afgambi sanadkii hore.

Leave a Reply