Daawo:Bayaanka shirkii Asmara iyo qorshaha rasmiga ah ee Masar, Eritrea iyo Somalia !!

10″ October “2024” Dowladaha Soomaaliya Eritrea iyo Masar ayaa isla qaatay arrima la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.

Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ereteriya Asias Afwerk iyo Masar Cabdullfataax Alsiisi oo ka dhacay Asmara

Sidoo kale waxaa bayaan wadajir ah soo saaray dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo isla qaatay arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.

Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.

Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, arrinta ugu weyn ee iskaashigaan loo aas-aasayo waa ka hortaga damaca guracan ee badda uga jira Itoobiya.

Soomaaliya oo ay is hayaan Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay galaangal xoogan la sameyneysay Masar iyo Eritrea oo iyaguna ay si xun ay isugu dhacsan yihiin Itoobiya.

Isbaheysigaan cusub ayaa qalqal hor leh ku abuuraya Itoobiyaanka, waxaana suurtagal ah in ay is dhibaan oo heshiis dalbadan, maadaama isbaheysigaan oo khatar ku yahay jiritaanka Itoobiya.

Soomaaliya ayaa leh doorka ugu weyn ee isbaheysigaan, waxaana muhiim ka dhigaya istaraatiijiga dhulka iyo galaangalka guuleystay ee dowladda Soomaaliya ay soo bilowday markii Muuse Biixi uu si sharci darro ah deked iyo dhul badan oo beriga ah ugu saxiixay Itoobiya