Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho, ayaa sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ra’isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka iyo bilicda caasimadda, isla markaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha iyo dalxiiska, isaga oo uga mahadceliyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka.
Tartankii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee sanadkan ka dhacay garoonka, ayaa muujiyay xiisaha bulshada u qabaan isboortiga, taas oo dowladda ku dhiirigelisay in la dhammeystiro qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka, si loo soo celiyo qeybihii kale ee ka maqnaa tartanka, tani oo fursad siinaysa dhallinyarada leh xirfadaha kala duwan ee cayaaraha.