Sidee u dhacay dilkii maanta ka dhacay shirkada Hormuud

Maamulka Shirkadda Hormuud Telecom oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa faah-faahin ka bixiyay dhacdo sababtay dil oo maanta ka dhacday xarunta wayn ee Suuqa Bakaaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkadda ay tageen laba nin oo hubeysan, isla markaana watay dareeska ciidanka, kuwaas oo doonayay inay lacag kala baxaan shirkadda, laakiin wuxuu maamulku sheegay in la ogaaday in Sim-cardka ay wateen aysan iyagu lahayn kadib markii laga shakiyay dhaq-dhaqaaqooda.

Intaas kadib labada nin ayaa baxay, waxayna keeneen gabar ay afduub ahaan usoo wateen, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa goobta ka dhacday israsaaseyn dhex-martay raggaasi iyo ilaalada Hormuud, waxaana goobta ku dhintay mid kamid ahaa labada nin halka kan kale uu baxsaday.

Waxaa weli soconayo baaritaano dheeraad, iyada oo kiiskan ay la wareegeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed.