Shirkadda Tabaarak ICT, SomaliREN, iyo Heyadda Hormuud Salaam Foundation oo iska kaashaday mashruuca 150 arday lagu barayo

Bulshadeennu waxay soo martay marxalad adag oo wax-wada-lahaanshuhu nagu yaraa sidaas waxaa yiri wasiirka waxbarashada Hiddaha, iyo Tacliinta Sare Faraax Cabdiqaadir oo ka hadlayay daahfurka mashruuca Bile oo 150 arday lagu tababarayo cilmiga kumbuyuutarka.

“Wsiir faraax ayaa bogaadiyay shirkadda Tabaarak ICT, SomaliREN, iyo Hormuud Salaam Foundation oo iska kaashaday hirgelinta mashruucan.

“Waxaad tusaale fiican u tihiin macnaha ay iskaashigu iyo wax-wada-qabsigu leeyihiin. Waana idinku bogaadinayaa.” ayuu sidoo kale hadalkiisa raaciyay Wasiika Waxbarashada Hiddaha, iyo Tacliinta Sare ee Somalia Faarax Sheekh Cabdulqaadir,

Waxaa si qurux badan noogu soo idlaaday xafladda daahfurka mashruuca Bile oo ay iska kaashanayaan shirkadda Tabaarak ICT, SomaliREN, iyo Hormuud Salaam Fouundation, laguna tababarayo 150 arday oo jaamacadaha dalka ka dhigata cilmiga kumbuyuutarka.

Waxaa ardayda berri u billaabanaya tababar tixane ah oo ay bixinayaan khubaro ku xeeldheer cilmiga kumbuyuutarka iyo teknoolojiyadda, hadduu Alle idno.

Guddoomiyaha Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka SomaliREN, Dr. Maxamed Maxamuud Xasan (Dr. Bidey)

““Waxaan bogaadinaynaa mashruuca Bile ee maanta la daahfurayo oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda ardayda dhigata cilmiga kumbuyuutarka. Teknoolojiyaddu maanta ma aha wax ku saabsan kumbuyuutar kaliya. Cilmi kasta oo la barto ayay gashay sida caafimaadka, beeraha, xannaanada xoolaha, iyo dhan kastaba waxaa looga shaqeeyaa teknoolojiyad.

Dhallinyarada ka faa’iideysanaysa mashruuca Bile ee fursadda u heshay tababarka waxaan rajaynaynaa in cilmiga iyo xirfadaha ay baranayaan ugu adeegaan dalka iyo dadka, aqoonta ay ka helaanna dib ugu celiyaan jaamacadaha ay dhigtaan. Waxaan bogaadinayaa shirkadda Tabaarak ICT iyo Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo aan iska kaashaneyno mashruuca Bile.”

Soomaaliya waa dal teknoolojiyad ahaan ka horumarsan dalal badan, ayna yaallaan 5 xarig oo keenta internet-ka la soo dhexmariyo badda, isgaarsiintiisuna ay ka raqiisan tahay dalal badan. Waa waddan intaas oo fursadood haysta, haddana aan faqrigii ka bixin oo 90% ay dhallinyaradiisu baagamuuddo yihiin.

Marka si aanan uga baahan isgaarsiintaas iyo teknoolojiyadaas casriga ah, waxaan u baahannahay dadaallo dhallinyaradeenna lagu barayo xirfadaha, si aan teknoolojiyada uga miradhalinno. Waxaana Shirkadda Tabaarak ICT, SomaliREN, iyo Hormuud Salaam Foundation ku bogaadinayaa hirgelinta Mashruuca Bile oo lagu tababarayo 150 arday oo cilmiga kumbuyuutarka ka dhigata jaamacadaha dalka.”sidaas waxaa sheegay Maxamed Axmed Cabdullaahi Goosaar, Agaasimaha Machadka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Qaranka.