Madaxweynaha JFS oo farriin culus u diray Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Munaasabadda xalay ka qabsoomtay Madaxtooyadda taas oo madaxweynaha qaranku ku maamuusay Xildhibaanada laba aqal ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda Dowlad-goboleedyada ka qayb-galay Madasha Wadatashiga Qaranka, taasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo horumarka dalkeenna, gaar ahaan dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada gacanta argagixisada ku jira, adkaynta amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hoggaankooda.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dowlad gobolleedyadxa ka maqan shirka madasha wadatashiga in ay ka soo qayb galaan shirka “Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa.

“”Maanta dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda, waxaana si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu”ayuu yiri Madaxweynuhu