Dil kale oo ka dhacay Nairobi iyo cabsi soo wajahday Soomaalida

Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay dil kale oo loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed uu ka dhacay gudaha magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda Islii oo ay ku badan yihiin Soomaalida ku dhaqan dalkaasi.

Marxuumka la dilay oo 25 sano jir ah ayaa kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan oo baxsaday.

Mid kamid ah Soomaalida ku sugan Nairobi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxda dilka gaysatay ay burcad ahayd, isla markaana ay taleefanka ka qaateen marxuumka.

“Xalay muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu khaarijiyay xaafadda Isliil, dilkiisana waxaa ka dambeeyay koox hubeysan oo lagu sheegay tuugo waxayna ka qaateen Telfankii ayuu yiri

“Xalay muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu khaarijiyay xaafadda Isliil, dilkiisana waxaa ka dambeeyay koox hubeysan oo lagu sheegay tuugo waxayna ka qaateen taleefan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Xabadda waxaa looga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa, nafna dhulka lama dhicin”.

Goobjoogaha oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in dhacdooyinka dilalka ah ee kusii badanaya Nairobi ay walaac xoogan ku reebeen Soomaalida oo ay lasoo daristay cabsi.

“Arrintan waxay walaac ku abuurtay Soomaalida ku dhaqan Nairobi, iyada oo aad la socotid in dhowaan 4 dumar ah lagu dilay gudaha xaafadda Islii” ayuu mar kale yiri goobjooguhu

Dilka kadib waxaa lasoo wariyay inay goobta tageen ciidamada ammaanka oo illaa iyo haatan wada baaritaanno ku aadan dhacdadaasi.

Dhowaan ayaa Nairobi waxaa si arxan darro ah loogu dilay hooyo iyo labadeeda gabar, waxaana ka horreeyay gabar kale oo maydkeeda la jarjaray, waxaana loo soo qabtay eedeysane oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Haashin, kaas oo lagu hayo baaritaanno.