Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ee SoDMA, Md. Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir watashi ah oo muddo 2-cisho ah socon doona, kaas oo looga hadlaayo hagidda iyo iskuduwidda ka jawabista xaaladaha degdegga ah.
Kulankaan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka [SoDMA], Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo Barnamaijka Cunta Adduunka ( WFP).
Shirkaan waxaa lagu casuumay qaar kamid ah wasaaradaha XFS, wasaaradaha gargaarka dowlad goboleedyada dalka, Ururrada taageera Soomaaliya, Hay’adaha caalamiga ah iyo Ururrada Bulshada Rayidka ee dalka.
Kulankaan ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan talooyin ku habboon kabka ka jawaabista xaaladaha dagdegga ah, iyadoo loo marayo habka illaalinta bulshada sida sameeynta istiraatijiyadda ka jawaabista khataraha ee Ilaalinta bulshada.