Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa, kuwaasi oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif.
Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee Portsudan Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyey dhalinyaradan oo tiradoodu tahay 22 qof.
17 kamid dhalinyartan lagu guuleystay sii dayntooda ayaa wiilal ah, halka 5 ay yihiin gabdho, waxaana markii hore lagu qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah.
Sii deyntooda ayaa waxaa door weyn ku laheyd hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawl-gala Portsudan.
Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo, si ay ugu laabtaan dalkooda hooyo.
Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa ka mahad-celisay dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.
Sidoo kale, safaaradda ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ku jira.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixineysay furdaaminta iyo soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee naftooda ku biimeeyay tahriibka.