14 kaluumaysato ah oo u dhashay dalka Iran ayaa dib ugu laabtay dalkooda kadib markii sanado ay gacanta ugu jireen kooxda Al-Shabaab

25″ December “2022

14 kaluumaysato ah oo u dhashay dalka Iran ayaa dib ugu laabtay dalkooda kadib sanado ay gacanta ugu jireen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Dheeho.com

Waxaa la sii daayay ka dib “wadahadal dheer oo lala yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ugaasyada qabaa’ilka iyo odayaasha Soomaalida,” ayay ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee ISNA.

Waxaa dib loogu celiyay Iran goor dambe oo sabtidii ka hor inta aan loo qaadin magaaladooda Chabahar, ee koonfurta.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa la haystay ilaa siddeed sano ka dib markii lagu afduubay biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya.

Kalluumeysatada ayaa la sii daayay ku dhawaad ​​hal bil kadib markii boolisk壯陽藥 a Soomaaliya ay sheegeen in meel u dhow dhul ay maamulaan mintidiinta ay ka heleen 20 ajaaniib ah – 14 Iranian ah iyo 6 Pakistani ah.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP booliska ayaa xiligaasi sheegay in qaar ka mid ah kalluumaysatada ay gacanta ku dhigeen Al-Shabaab sanadkii 2014-kii halka qaar kalena la afduubtay bartamaha sanadkii 2019-ka.

Kooxda kalluumaysatada ayaa xubnaha qoysku ku soo dhaweeyeen xaflad ka dhacday gegida dayuuradaha caalamiga ah ee Tehran habeenimadii Sabtida.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la kulantay cadaadis dhowrkii bilood ee la soo dhaafay iyadoo wajahaday weeraro ballaaran oo uga imaanaya dowladda Somalia oo la kaashaneysa dadweeyne ka carooday amar ku taagleeyn ay kala kulmeen maleeshiyada shabaab,

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa in ka badan 15 sano ka waday Soomaaliya, dagaal Iyaga oo wali maamulaan deegaano badan oo miyi ah, xili Somalia ay la halgameeyso abaar daran oo dalka u jiiday xaalad qarka u saaran Macluul la mid ah ama kadaran tii dhacday 2011 kii

Leave a Reply