18 milyan oo Codbixiyaal Ah Ayaa La Filayaa In Ay U Dareeraan Goobaha Codbixint Doorashada Dalka Uganda

13″ January” 2021 ” KAMPLA

Qiyaastii 18 milyan oo codbixiye ayaa la filayaa inay doortaan madaxweyne iyo xubna baarlamaanka dalka Uganda doorashada qamiista lagu wado in loo soon baxo iyada oo at jirto cabsiada corona virus oo sii kordhaya kiisaska la helay .

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka, Uganda waxay diiwaan galisay in ka yar 40,000 oo infekshan ah iyo qiyaastii 300 oo qof oo u dhintay cudurka.

Don Wanyama, xoghayaha saxaafadda ee madaxweynaha, wuxuu ku eedeeyay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka inay jabiyeen xayiraadihii COVID-19, sida in la sii wado kulammada ka hooseeya 200 oo qof.

Facebook ayaa dhawaan joojisay daraasiin akoonno shaqsiyaad ah oo ku xirnaa xisbiga talada haya ee National Resistance Movement iyo wasaaradda warfaafinta.

Guddiga isgaarsiinta ee Uganda ayaa iyaguna dhankooda ku amray shirkadaha bixiya adeegga internetka inay xayiraan warbaahinta bulshada iyo barnaamijyada kale ee fariimaha la isugu diro.

Museveni ayaa shacabka la hadlay habeenimadii Talaadada wuxuuna sheegay in waxa Facebook uu sameeyay ay tahay wax aan la aqbali karin.

Qaar badan oo ka mid ah caasimada sida Hajara Nakito ayaa sheegaya inay amaan tahay in la joogo meelaha miyiga ah waqtiyadan adag. Kiisaska la soo sheegay ee rabshadaha ka jira inta badan baadiyaha way yaraayeen.

Marka hadda Nakito waxay gabadheeda u kaxeyneysaa tuulada ay ka soo jeedaan ee bartamaha Uganda. Sidoo kale iyadu kuma talo jirto inay ka codeyso doorasho ay ku eedeyneyso dhimashada wiilkeeda.

Robert Kyagulanyi, 38, oo ah muusikiiste isu rogay siyaasiga oo loo yaqaan Bobi Wine, wuxuu ka mid yahay 10 musharax oo la tartamaya Madaxweyne Yoweri Museveni 35 sano ee uu xukunka hayey.

Leave a Reply