2 qof ayaa Ku dhintay 24 qof oo kalana way ku dhaawc meen markii Labo qarax oo xooggan ay saakay ka dhaceen magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Tuesday 16 Noofambar 2021 Kampala

Labo qarax oo xooggan ayaa subaxnimadii hore ee Talaadada ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, kaasi oo ay booliisku ku tilmaameen “weerar” lagu qaaday magaalada.

Labada qarax ayaa 30 daqiiqo gudahood ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Uganda,

Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay agagaarka Saldhigga Dhexe ee booliiska iyadoo mid kalana uu ka dhacay albaabka hore ee Xarunta Baarlamaanka. Lama oga sababta ka dambeysay qaraxyadan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyaddooda.

Qaraxa koowaad ayaa abaare 10-kii barqanimo ka dhacay wadada Buganda ee magaalada Kampala,

Wasiiru dowlaha Arimaha gudaha Uganda Kabyanga Godfrey Baluku Kiime ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray qaraxa, isagoo yiri: “Waxaa jiray qarax bam oo ka dhacay xarunta wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta tignoolajiyada iyo hanuuninta qa犀利士 ranka. Dhammaanteen waan badqabnaa. muraayadaha daaqadaha duulaya iyo burbur

Emmanuel Ainebyona oo ah afhayeenka wasaaradda caafimaadka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ugu yaraan 24 qof ay isbitaalada u jiifaan dhaawacyo ka soo gaaray qaraxyada. Afar ka mid ah ayaa qaba dhaawacyo halis ah, ayuu yidhi.

“Waxa aan dhihi karno waa weerar laakiin cidda mas’uulka ka ah waa arrin baaritaan lagu hayo,” Kaaliyaha kormeeraha guud ee booliiska Uganda Edward Ochom ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa la arkayay iyaga oo faarujinaya xayndaabka xarunta baarlamaanka, Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dhowr qof oo daadsan waddooyinka ku dhow illinka laga galo saldhigga dhexe ee booliiska iyo maxkamadda sare ee Kampala, inkastoo aysan caddeyn tirada dhimashada ama dhaawacantay xilligan.

Ciidamada amaanka ayaa goobta qaraxu ka dhacay soo dhigay eeyo wax uriya si ay cadeymo uga raadiyaan agagaarka goobihii ay qaraxyada ka dhaceen.

Bishii la soo dhaafay, labo qof oo ay ku jirto gabar adeege ah ayaa lagu dilay qarax ay mas’uuliyadeeda sheegatay kooxda ISIL (ISIS).iyadoo island bishaas qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay bas, kaas oo is dilay kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Leave a Reply