Tuesday ” 28″ “September” 2021″ AP
Qarax xoog badan oo ka dhacay dhisme apartment ah oo ku yaalla magaalada Goteborg ee dalka Sweden, kaasi oo booliska ay rumeysan yihiin inuu ka dhashay walxaha qarxa, ayaa dhaawacay ugu yaraan 20 qof, ayada oo boqolaal kalena lasoo daad-gureeyey.
Afhayeen u hadashay isbitaalka Sahlgrenska University Hospital, Ingrid Frederiksson ayaa sheegtay in 16 qof la dhigay isbitaalka ugu weyn magaalada Goteborg.
Afar qof oo ka mid ah – oo saddex ay yihiin haween da’ ah, iyo nin da’diisu tahay kontameeyo – ayaa laga daweynayaa dhaawacyo halis ah, sida ay sheegtay Ingrid Frederiksson.
Afhayeen u hadlay booliska, Thomas Fuxborg ayaa sheegay in illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta dhalisay qaraxa, balse wuxuu taleefishinka TV4 u sheegay in dambi-baarayaasha ay rumeysan yihiin inuu ahaa ku talo-gal.
Booliiska oo furay baaritaan ayaa sheegay in dabka la xakameeyay isla markaana la daad gureeyay dadkii degenaa. Adeegyada gurmadka deg -degga ah ayaa meesha ka saaray in sababta gaas ka daatay.
“Waxaan rumaysanahay in wax qarxay oo aan ahayn mid dabiici ah,” afhayeenka bilayska Thomas Fuxborg ayaa shir jaraa’id ku sheegay, isagoo intaas ku daray in wax “laga yaabo” in la dhigay goobta uu qaraxu ka dhacay.
Anja Almen, oo ku nool dhisme dabaq ah oo ay waxyeello ka soo gaartay, ayaa sheegtay inay maqashay buuq ka dhashay waddada wax yar ka dib 5:00 subaxnimo – qiyaastii 15 daqiiqo qaraxa ka dib.
“Waxaan ku baxay barandada oo aad ayaan u naxay, meel walba qiiq baa ka kacay, jaranjarooyinka oo dhan,” ayay ka tiri taleefan ay ka heshay kaniisad u dhow halkaas oo iyada iyo kiraystayaal kale loo daad gureeyay. “Baabuurta dab -damiska oo jaranjarada leh ayaa dadka ka soo jiidayay dabaqyada.”
Warbixin dheeri ah oo ay soo saartay Anna Ringstrom; waxaa qoray Niklas Pollard iyo Johan Ahlander; tafatirka Andrew Andrews iyo Timothy Heritage
Fuxborg ayaa sheegay in dambi-baarayaasha ay eegayaan haddii qaar ka mid ah dadka deganaa dhismaha lagu beegsaday qaraxa.
“Waxaan tuhunsannahay in qof uu walxo qarxa uu dhigay dhismaha. Taas waa wixii aan maqalnay markii nalasoo wacay,” ayuu yiri Fuxborg.
Qaraxa ayaa abaare 5:00 am ka dhacay degmada Annedal ee bartamaha Goteborg, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Sweden. Dab ayaa ku faafay dhimsaha, waxaana weli socday damintiisa iyo gurmadka illaa 9:00 am.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Sweden Mikael Damberg ayaa wakaaladda wararka Sweden ee TT u sheegay ‘inay aad u xumeyd” inay arkaan burburka ka dhashay qaraxa.
“In badan oo naga mid ah waxay doonayaan jawaabo ku saabsan waxa dhacay iyo sababta dhacdadan foosha xun,” ayuu yiri Damberg, sida ay kasoo xigatay TT.
Sweden ayaa la kulantay dambiyada baandooyinka oo sii kordhaya iyo rabshadaha qoryaha sanadihii la soo dhaafay, iyadoo kooxaha iska soo horjeeda ay adeegsanayaan waxyaabaha qarxa iyo hubka dabka si ay u xalliyaan dhibcaha. Booliisku wuxuu ku daray askar, waxaana la adkeeyay sharciyada, si ay isugu dayaan inay wax ka qabtaan burcadda. Akhri wax dheeraad ah
Qaraxyadu waxay noqdeen dhacdooyin toddobaadle ah laakiin waa dhif in qof wax yeelo soo gaadho, in kasta oo ilaa 20 ay dhaawacyo fudud soo gaadheen markii bam ku qarxay meel la deggan yahay oo ku taal koonfurta magaalada Linkoping sannadkii 2019kii.
AP