Year: 2021

Wasiirka Amniga : sharciga ayaan la tiigsan doonaa dadkii ku lugta lahaa afgambigii dhicisoobay iyo Afhayeenka u hadlay M/W/H Farmaajo oo beeniyay afgambiga
WARARKA

Wasiirka Amniga : sharciga ayaan la tiigsan doonaa dadkii ku lugta lahaa afgambigii dhicisoobay iyo Afhayeenka u hadlay M/W/H Farmaajo oo beeniyay afgambiga

27″ Dec”2021 Muqdisho - Xukuumadda somalia oo sheegtay In ay talaabo sharci ah ka qaadayso shakhsiyaadkii ku lugta lahaa iskudayga Afgambigii dhicisoobay Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Xukuumaddu ay la xiisaabtami doonto shakhsiyaadkii saakay soo abaabulay afgembigii dhicisoobay Wasiirka Amniga Gudaha oo Saxaafadda la hadlayay ayaa xusay in xalay ilaa iyo saaka la waday iskuday Afgambi balse uu dhicisoobay, kaasi oo uu soo abaabulay Madaxweynihii muddo xileedkiisu dhamaaday oo uu ku weeraray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah Xafiisyada Golaha Wasiirada, ciidamado isaga ka amarqaata balse lagu guuleystay in arrinkaas la fashiliyo. “Nasiib wanaag qaar ka mid ciidamada Madaxtooyada, kuwa Xafiiska Ra...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray talaabooyin halis  In  ku ah Jiritaanka dowladnimada somalia  oo uu ku dhaqaaqay farmaajo
WARARKA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray talaabooyin halis In ku ah Jiritaanka dowladnimada somalia oo uu ku dhaqaaqay farmaajo

27" December "2021" Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda Cakiran ee haatan dalku marayo, waxaana uu sheegay in Go’aanadii uu qaatey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo ay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka. Shariif ayaa intaa ku daraya in kaliya dhammaystirka doorashada loo igmaday hogaaminteeda  RW Mohamed Hussein Rooble. Sidoo kale Musharrax madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa Bulshada Soomaaliyeedugu baaqay  inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye. Go’aanadii uu qaatey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo waxay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dal...
DAAWO : Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo saaray amarro cusub oo uu uga jawaabayo xiisadda ka taagan madaxtooyada
WARARKA

DAAWO : Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo saaray amarro cusub oo uu uga jawaabayo xiisadda ka taagan madaxtooyada

MONDAY "MOGADISHU — 27" Dec"2021 Ra’isal Wasaare Maxamad Xuseen Rooble ayaa saaka tegey xafiiskiisa, kadib markii ay ka hor istaageen ilaallada koofiya casta ee waardiyeysa Madaxtooyada Soomaaliya inuu halkaa tago. Dadaal ay sameeyeen taliyayaasha Milatariga iyo Booliska ee Dawladda Federaalka ayaa guuleystay, waxayna qanciGoor sii horeysayna Ra’isul Wasaare Rooble ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu soo faragaliyay shaqadiisa, isla maraakana uu ciidan soo dhoobay xafiiskiisa. Xalayna waqti dambe Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu shaqada ka joojiyay Ra’isul Wasaaraha. Safiiradda reer galbeedka ee Muqdisho fadhiya ayaa iyana ka digaya in xiisadda taagan loo badalo gacan kahadal.yeen ciidankii la dhigay xafiiskiisa Ra’isul Wasaaraha in la qaado. Ra'iisal wasaar...
Rooble oo ‘isku day afgambi’ ku eedeeyay Farmaajo
WARARKA

Rooble oo ‘isku day afgambi’ ku eedeeyay Farmaajo

MOGADISHU — 27" Dec"2021 Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku eedeeyay Farmaajo, waxa uu ugu yeeray 'iskuday af-gambi, si uu xukunka u sii joogo'. Rooble oo goor dhaweyd muuqaal soo duubay, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu weerar ciidan ku so qaaday xafiisyada Ra'isul Wasaaraha iyo golaha wasiirada si uu uga horjoogsado waajibaadkooda. Waxa uu Rooble sheegay in xukuumadda Federaalka ee uu hoggaamiyo ay si buuxda mas’uul uga tahay hoggaaminta iyo hagista ha壯陽藥 y’addaha dowladda, wuxuuna faray dhammmaan ciidamada iyo taliyayaasha inay si toos ah uga amar qaataan xafiiska Ra'isul Wasaaraha. Rooble ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aanay ka amar qaadan karin Madaxweyne Farmaajo, oo uu sheegay inuu yahay musharrax la mid ah musharraxiinta kale ee ...
Virus-yada isdaba jooga ah ee COVID -ka mudadad dheer ayaa noqday cudur ka soo muuqday diiwaannada caafimaadka oo dadyoowga dunida ku qasbay in ay noqdaan sida daawadayaal oo kale
WORLD

Virus-yada isdaba jooga ah ee COVID -ka mudadad dheer ayaa noqday cudur ka soo muuqday diiwaannada caafimaadka oo dadyoowga dunida ku qasbay in ay noqdaan sida daawadayaal oo kale

27" Dec"2021" Aljazeera Dariiqa ka soo kabashada Mowjada sadaxaad ee xanuunka loo yaqaan Long COVID, waxay caddaysaa dhib badan oo nolosha wax ka beddelaysa Booqashada daba-galka ah ee dhakhtarka ayaa muujisay dhibaatooyin isdaba-joog ah oo nafta halis gelinaya Hemoglobinkeeda - borotiinka gudbinta birta ah ee laga helo unugyada dhiigga cas - ayay.tiri kati oo intaas raacisay in 20 kii qof ee dumarka qaangaar ah ee uu ku dhacay xanuunka Covid gudaha maraykanka sanadii hore 12 ka mid ah ayaa muujiyaya dhiig-yaraan weyn. Khatarta ka sii badan waxa,ay tahay cudud barar qarisay xinjiro dhiig ah dumar badan ayaa arimaah aawgeed waxa loo dhigay cusbitaal, halkaas oo ay joogaan in ka badan toddobaad. Meg oo ah haweeneey uu Covid buburiyay qoyskeedii ayaa ka hadashay markii ay ka soo...
Beesha caalamka oo taageero u muujisay kulanka wadatashiga qaran ee uu ku baaqay Raysil,wasaare Rooble
WARARKA

Beesha caalamka oo taageero u muujisay kulanka wadatashiga qaran ee uu ku baaqay Raysil,wasaare Rooble

26" Dec"2021" Sunday Danjirayaasha Mareykanka Iyo Ingriiska ayaa taageeray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisulwasaare Rooble Dowladda Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay shaacisay Mowqifkeeda,tan iyo markii uu soo cusboonaaday khilaafka ka dhexeeya madaxtooyada iyo Xukuumadda. Dowladda ingriiska ayaa si gaar ah uga hadashay shirarka ay ku kala baaqeen madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhammaaday iyo RW Rooble, eek u aaddan shirarar la isugu imaanaya magaalada muqdisho. Safiirka Ingiriiska  ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay ku shaacisay in ay taageersan tahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha. Haweenayda lagu Magacaabo kate Foster ayaa sidoo kale intaa ku dartay in Madashan muhiimka ah ay tahay meesha looga ha...
Manchester City ayaa iska caabisay soo laabasho aan la filaynin ooy Leicester sameeysay kulan qayb ka ah Horyaalka Premier League Boxing Day + Chelsea ” Arsenal  Iyo Tottenham
SPORTS

Manchester City ayaa iska caabisay soo laabasho aan la filaynin ooy Leicester sameeysay kulan qayb ka ah Horyaalka Premier League Boxing Day + Chelsea ” Arsenal Iyo Tottenham

26" Dec"2021" Sunday" Sky sports Aston Villa 1-3 Chelsea Jorginho ayaa laba gool ku laad u dhaliyay kooxda chelsea oo ka dagaalantay goolka looga hormaray si ay uga badiso Aston Villa isla markaana ay la dhibco noqoto Liverpool oo kaalinta labaad ku jirta. Villa ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 28-aad ee ciyaarta markii Matt Targett uu karoos dhanka bidix ah ka helay daafaca Chelsea Reece James, madaxa oo jaleecay ayaa kubad u leexiyay Edouard Mendy, islamarkaana shabaqa dhex dhigay gool uu iska dhaliyay. Laakiin Chelsea ayaa la timid goolka barbaraha lix daqiiqo ka dib iyadoo Jorginho uu gool u bedelay rigoore ka dib markii Callum Hudson-Odoi uu kubad ka soo tuuray Matty Cash oo ku jiray diilinta 18aad. Romelu Lukaku oo bedel ku soo galay, oo seddex kulan ku ...
Hormuud Salaam Foundation ayaa Labaatan Kun Dollar Ugu Deeqday Iskuulka Mucaasar
WARARKA

Hormuud Salaam Foundation ayaa Labaatan Kun Dollar Ugu Deeqday Iskuulka Mucaasar

Sunday "26" Dec"2021 Muqdisho Hormuud Salaam Foundation, ayaa maanta ugu deeqdey $20,000 (Labaatan kun dollar) Iskuulka Mucaasar, oo bur bur xoog leh kasoo gaarey Qarax ka dhacay agagaarka Iskuulka 25 November 2021. Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Mudane Abdullahi Nur Osman ayaa gudoonsiiyey lacagta kaalmadaa ah maamulaha Iskuulka, si aay gacan uga geystaan sidii Iskuulka dib loogu dhisi lahaa, iyadoo Iskuulka aay dhiganayeen wax ka badan 1,000 (kun) arday oo isugu jira heerarka kala duwan ee dugsiyada hoose dhexe iyo Sare. Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation ayaa uga tacsiyeeyey Maamulka, Ardeyda iyo Waalidiinta, dhibaatadaa ku dhacday Iskuulka, wuxuuna Allah uga baryey inuu u sakhiro dib u dhiska Iskuulka, isagoo dhanka kale ugu baaqey dhammaan dadka Soomaaliyee...
Qaramada Midoobay oo sheegtay sheegeen in ay joojisay  isticmaalka qeybta garoonka diyaaraha Aden Adde ee loo yaqaan MOVCON
WARARKA

Qaramada Midoobay oo sheegtay sheegeen in ay joojisay isticmaalka qeybta garoonka diyaaraha Aden Adde ee loo yaqaan MOVCON

MOGADISHU — 26" Dec"2021 Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ixtiraamayaan go'aankii dowlada Soomaaliya ay ku xirtay qeybta ay ka isticmaalaan garoonka diyaaraha Aden Adde ee loo yaqaan MOVCON, waxayna sheegeen in laga bilaabo maanta ay joojiyeen isticmaalkiisa. "Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Sooma壯陽藥 aliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee labada geesoodka ah ee la xiriira ee ay saxiixeen hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiska Xuquuqda iyo Xasaanadaha Qaramada Midoobay" ayaa lagu yiri warsaxaafadeed goor dhaweyd ka soo baxay Qaramada Midoobay. "Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa wala...
Xil,ka qaadistii CIRO waxay jabin kartaa Ismari,waagii ka taagnaa in la arko Somalia oo aaday doorasho laysla ogolyahay
WARARKA

Xil,ka qaadistii CIRO waxay jabin kartaa Ismari,waagii ka taagnaa in la arko Somalia oo aaday doorasho laysla ogolyahay

MOGADISHU — 26" Dec"2021" Sunday Inkastoo ay hurisay Iska soo horjeedka cusub oo mar kale soo dhax Rooble iyo Farmaajo,hadana, Xil,ka qaadistii CIRO waxay jabin kartaa Ismari,waagii ka taagnaa in la arko Somalia oo aaday doorasho aan boob ku qotomin Maalmihii u dambeeyay waxaa soo daahirayey khilaaf cusub oo hadheeyey geeddi socodkii doorashada Soomaaliya, kaas oo gaadhsiisan heer madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Rooble uu midba midka kale ku eedeeyay carqaladeynta hanaanka doorashada. Muddooyinkii u danbeeyey waxaa socday doorashada qaar ka mid ah kuraasta aqalka hoose, halka qaarna la soo saaray habraacii kuraastaas. Xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay markii xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay Muqdish...