Dr” Cabdiraxmaan Cabdishakuur : Awood Saayid ah ayaa loo Isticmaalay dadka Laascaano
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha iyo gargaarka bini aadanimada Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada ka taagan magaalada Laascaanood.
Ergayga ayaa sheegay in shacabka Laascaanood loo adeegsaday awood xad dhaaf ah, waxaanu usoo jeediyay Somaliland in aanay xalka awood ku raadin. Sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay ergaygu.
"Allaha u naxariisto dadka rayadka ahaa ee lagu dilay dibadbaxyada ka socda magaalada Laascaano. Waa arrin laga xumaado oo cambaareyn 犀利士
mudan in awood xad-dhaaf ah loo adeegsado shacab dibadbaxaya.
Dhibaatada Laascano ka taagan waxay cadayn u tahay in si kasta oo horwaynta (Elite) ka siyaasadeed loo qanciyo, aysan waxba ka goynin carada iyo kacdoonka shacabka dhibbanaha u ah amni darrida, horum...