Year: 2022

Muuse biixi oo Adisababa lagu soo dhaweeyay
WARARKA

Muuse biixi oo Adisababa lagu soo dhaweeyay

18" January "2022" Muqdisho Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka ka ambabaxay Magaalada Hargeysa ayaa galabta gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda ee dalka Itoobiya. Madaxweyne Biixi iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Addis Ababa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya oo ay kamid yihiin Wasiirka maaliyadda Axmed Shide iyo Wasiiru dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Mr. Redwan Hussein. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, waxaana kulamo kala duwan uu la yeelan doonaa Mas’uuliyiinta qaar ee dalkaas. Madaxweyne Muuse Biixi iyo xubnaha wafdigiisa ee uu hoggaaminayo, ayaa kulamo ...
Wasiirka A/Dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Sucuudiga
WARARKA

Wasiirka A/Dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Sucuudiga

18" January "2022" Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Almowallad. Danjiraha cusub ee Dowladda Sucuudiga Mudane Axmed Bin Maxamed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda la wadaagay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood iyo Labada shacab ee saaxiibbada ah, isaga oo ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey. Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii ay Soomaaliya iyo Sucuudigu u xoojin lahaayeen xiriirkooda soojireenka ah iyo iskaashiga Labad Dowladood ee dhinacyada...
Robert Lewandowski: Weeraryahanka Bayern ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka ee Fifa Men’s Player of the Year
SPORTS

Robert Lewandowski: Weeraryahanka Bayern ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka ee Fifa Men’s Player of the Year

17" January "2022" BBC SPORTS Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa jabiyay rikoorka 49-sano ee Gerd Muller kaasoo dhaliyay goolkii ugu badnaa ee Bundesliga sannad sanadeedka 2021. Weeraryahanka Bayern Munich iyo Poland Robert Lewandowski ayaa loo magacaabay xiddiga sannadka 2021 ee ugu fiican Fifa ragga, halka Manchester United Cristiano Ronaldo uu ku guuleystay abaalmarinta gaarka ah. Lewandowski, oo 33 jir ah, ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ku guuleystay abaalmarinta kaddib markii uu dhaliyay 69 gool. Waxa uu ku guuleystey xiddiga Liverpool Mohamed Salah iyo xiddiga Paris St-Germain ee Lionel Messi. Ronaldo ayaa lagu ammaanay inuu yahay gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda caalamiga ah ee ragga. Xidiga kooxda Barcelona ee Alexia Putellas ayaa ku g...
Dhaawaca Afhayeenka Xukumadda oo loo qaaday Turkiga
WARARKA

Dhaawaca Afhayeenka Xukumadda oo loo qaaday Turkiga

17" January "2022" Muqdisho Afhayeenka Xukumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo maalintii Axadii ku dhaawacmay qarax lala beegsaday ayaa galabta loo qaaday dalka Turkiga si loogu soo dabiibo. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa u dalbay diyaarad gaar ah, iyada oo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo ehelka Afhayeenka ay ka sagootiyeen Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Xaaladda Afhayeenka Xukumadda, Macalimuu oo ay dhaawacyo ka soo gaareen qeybo kamid ah xubnaha hoose ee jirka ayaa wanaagsan sida ay noo sheegeen saraakiisha Caafimaadka. Qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaana beegsaday gaari uu la socday Afhayeen Macalimuu xilli uu marayay meel u dhow Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa lala beegsaday ...
Puntland ayaa Shaacisay Magacyada Ergada soo Xulaysa 5  kursi
WARARKA

Puntland ayaa Shaacisay Magacyada Ergada soo Xulaysa 5 kursi

17" January "2022" Garoowe " Guddiga Maamulka Doorashooyinka D/G Puntlaand ayaa shaaciyay magacyada Odayaasha dhaqanka iyo xubnaha ururada bulshada ee soo xulaya ergada codbinta shan kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Garowe Shanta kursi ee la shaaciyay odayaasha iyo xubnaha ururada bulshada rayidka ee soo xulaya ergooyinka ayaa waxa ay kala yihiin;#HOP;196 Axmed Maxamed Axmed#HOP;249 Sharma’arke Saleymaan Buraale#HOP;200 Cali Yuusuf Cali Xoosh#HOP;235 Cabdullaahi Bidhaan Warsame.#HOP;166 Saadaq Xirsi Warfaa
Dowladda Britain oo Soomaaliya ugu deeqday Malaayiin Doollar
WARARKA

Dowladda Britain oo Soomaaliya ugu deeqday Malaayiin Doollar

"17" January " 2022" Dowladda UK ayaa Soomaaliya ugu deeqday in ka badan10 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka abaaraha saameeyeen. Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vicky Ford ayaa maanta ku dhawaaqday in 10.7 milyan oo dollar ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed, lacagtan ayaa qeyb ka ah 22 milyan oo dollar oo dowladda UK ugu deeqday dalalka; Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Suudaanta Koofureed oo abaaro ba’an ka jiraan xilligan. War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 500,000 oo qof oo Soomaali ah u baahan yihiin in laga caawiyo helitaanka biyaha iyo cuntada si naftooda loo badbaadiyo isla markaana loo yareeyo khatarta macluusha ka dhalan karta abaarta. Go’aankan doweladda UK ayaa yimid xilli wasiirka...
Sinnaan la’aanta talaalka Coronvirus ayaa abuuray rabsho dhaqaale” oo ka dhan ah dadka iyo quruumaha ugu saboolsan adduunka Warbixinta sanadlaha ah ee hay,adda Oxfam  ayaa  sidaaas shaaca ka qaaday
WORLD

Sinnaan la’aanta talaalka Coronvirus ayaa abuuray rabsho dhaqaale” oo ka dhan ah dadka iyo quruumaha ugu saboolsan adduunka Warbixinta sanadlaha ah ee hay,adda Oxfam ayaa sidaaas shaaca ka qaaday

17" January "2022"XIGASHO: AL JAZEERA Warbixinta sanadlaha ah ee hay,adda Oxfam ayaa shaaca ka qaaday in sinnaan la'aanta talaalka Coronvirus ay hadda tahay nooc abuuray"rabsho dhaqaale" oo ka dhan ah dadka iyo quruumaha ugu saboolsan adduunka. Hantida 10-ka nin ee ugu taajirsan ayaa labanlaabantay inta lagu guda jiro cudurka faafa ee coronavirus, taasoo kicisay sinnaan la'aan gacan ka geysatay dhimashada ugu yaraan 21,300 oo qof maalin kasta, sida lagu sheegay warbixin ay Isniintii soo saartay Oxfam International Inequality Kills  Koox ka kooban 252 rag ah ayaa ka hanti badan dhammaan hal bilyan oo haween iyo gabdho ah oo ku nool Afrika iyo Latin America iyo Kariibiyaanka marka la isku daro, warbixin cusub oo ay soo saartay Oxfam ayaa tiri "Sanadan cusub ee 2022 waxaa lagu...
General Biixi oo Jabiyay Ismari,waagii ka taagnaa Baledweyne
WARARKA

General Biixi oo Jabiyay Ismari,waagii ka taagnaa Baledweyne

17" January "2022" Isniin" Baladweyne Shabakada Hiiraan Online ayaa daabacday arin u muuqata isbadal ka dhacay magaalo madaxda gobolka hiiraan ee baladweeyne oo in mudo ah uu ka jiray qilaaf. Waxaa maanta mar qura warbaahinta kasoo wada hor muuqday rag ay siyaasadu kala fogeysay oo dagaalo dhiig badan ku daadatay uu horay dhexmaray, kuwaas oo ay ka mid ahayeen guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Taliyeyaasha kala duwan ee ciidanka qalabka sida, Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda iyo hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xuud, kuwaas oo dhamaantood maanta iskugu yimid soo dhaweynta taliyaha ciidanka Lugta Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi oo maanta gaaray magaalada Baledweyne Jenaraal Abuukar Xaaji Waraame Xuud oo warbaahinta la hadlaayay isagoo dhin...
UK national identified as Texas synagogue hostage taker
WORLD

UK national identified as Texas synagogue hostage taker

16 Jan" 2022" SOURCE: NEWS AGENCIES United States authorities have identified a 44-year-old British national as the man who took four people hostage at a Texas synagogue for 10 hours before an FBI SWAT team stormed the building, ending a tense standoff that President Joe Biden called “an act of terror”. The FBI identified the man as Malik Faisal Akram, 44, who was killed after the safe release of his four hostages on Saturday nig犀利士 ht. In a statement, the FBI said there was no indication that anyone else was involved. It did not provide a possible motive for the attack. The FBI and police spokeswomen declined to answer questions on Saturday night about who shot Akram when the standoff at Congregation Beth Israel near Fort Worth ended. Akram could be heard ra...