Midowga Afrika oo soon dhaweeyay heshiiska cusub ee laga gaaray doorashada Somalia
14" January "2022"
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa soo dhoweeyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ka gaareen doorashada iyo waqtiga cusub ee loo muddeeyay inay ku dhammaato doorashada Golaha Shacabka.
War qoraal ah oo uu soo saaray Guddoomiye Moussa Faki ayaa waxaa uu ku sheegay in uu ku dhiirigelinayo Golaha Wadatashiga Go’aanka ah in doorashada Golaha Shacabka, si xor ah oo daah-furan lagu soo gabagabeeyo 25-ka Febraayo 2022.
Gddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaalida inay is-xakameeyaan oo ay horumariyaan wada-hadallo siyaasadeed oo is-dhexgal ah oo ku aaddan xasilloonida siyaasadeed.
Moussa Faki ayaa waxaa uu ku celiyay mowqifka AU-da uu yahay in doorashooyin lagu kalsoonaan karo ay ka dhacaan ...