Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa laga helay COVID-19 iyo Wararka kale
6" January "2022
50-sano jirka Pep Guardiola ma awoodi doono inuu maamulo kulanka FA Cup-ka Jimcaha Manchester City ay la leedahay Burnley CoronaVirus laga helay aawgii
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa laga helay cudurka 'coronavirus', kooxda haysa hogaanka Premier League ee Manchester City ayaa sidaas sheegtay.
War qoraal ah oo ay soo saartay kooxda manchester city ayaa lagu sheegay Guardiola in uusan awoodi doonin inuu maamulo kooxda kulanka FA Cup-ka ee ay la ciyaarayaan Swindon Town jimcaha. Kaaliyaha tababaraha Rodolfo Borrell ayaa buuxin doona booskaas.
Caawiyaha Guardiola Juanma Lillo ayaa sidoo kale laga helay cudurka loo yaqaan 'coronavirus', labaduba waa la karantiilay, oo ay weheliyaan ilaa 21 shaqaale oo ka tirsan naadiga- oo ay ku jiraan toddobo c...