14 kaluumaysato ah oo u dhashay dalka Iran ayaa dib ugu laabtay dalkooda kadib markii sanado ay gacanta ugu jireen kooxda Al-Shabaab
25" December "2022
14 kaluumaysato ah oo u dhashay dalka Iran ayaa dib ugu laabtay dalkooda kadib sanado ay gacanta ugu jireen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Dheeho.com
Waxaa la sii daayay ka dib "wadahadal dheer oo lala yeeshay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, ugaasyada qabaa'ilka iyo odayaasha Soomaalida," ayay ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee ISNA.
Waxaa dib loogu celiyay Iran goor dambe oo sabtidii ka hor inta aan loo qaadin magaaladooda Chabahar, ee koonfurta.
Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa la haystay ilaa siddeed sano ka dib markii lagu afduubay biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya.
Kalluumeysatada ayaa la sii daayay ku dhawaad hal bil kadib markii boolisk壯陽藥
a Soomaaliya ay sheegeen in meel u dhow dhul ay maamulaan mintidiinta ay ka hel...