Year: 2023

Hubanti la,aanta doorashada Putland ayaa sii xoogeeysanaya, 17 ka xildhibaan ee SSC khaatumo
WARARKA

Hubanti la,aanta doorashada Putland ayaa sii xoogeeysanaya, 17 ka xildhibaan ee SSC khaatumo

31- December-2023 Hubanti la,aanta doorashada Putland ayaa sii xoogeeysanaya, 17 ka xildhibaan ee SSC khaatumo ayaa markan xudun u ah khilaafka" doorasho iyadoo Siciid dani uu helay taageerada Isimo dhaqan oo ka soo horjeestay go,aandii ay hore ugu dhawaaqeen isimada putland ee ku aadanaa in 49 xildhibaan lagu galo doorashada lagu balansan yahay 8 January Warbixin Dheeho News Every Day https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1741555134428041490?t=YrJGAIr1YWsjK4smtKVQlA&s=19
Daawo: Adna aadan ayaa difaacday qodobada heshiiskii jabuuti xili mucaaradka Somaliland kiciyeen shaki ku aadan qorshaha dib u midoobida Somalia
WARARKA

Daawo: Adna aadan ayaa difaacday qodobada heshiiskii jabuuti xili mucaaradka Somaliland kiciyeen shaki ku aadan qorshaha dib u midoobida Somalia

December-31 2023 Daawob: Ergeyga maamulka Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somalia Drsa Adna aadan ayaa difaacday qodobada heshiiskii jabuuti xili mucaaradka Somaliland kiciyeen shaki ku aadan qorshaha dib u midoobida Somalia in uu ka tirjumayo warmurtiyeedka shirka jabuuti Warbixin Dheeho News Every Day https://youtu.be/jrp7fPrZLQA?si=L2rwgP962xmSvs3v
Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgallo qorshaysan
WARARKA

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgallo qorshaysan

Muqdisho, 31 December, 2023 Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgallo qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka kuwaas oo ka dhacay goballada Shabeellaha Hoose iyo Mudug. Howlgalka hore oo ka dhacay deegaanka Nuun-Garre oo hoos taga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay laba horjooge oo kala ahaa, Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Khawaarijta kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir. Labada horjooge ee la dilay ayaa ahaa dembiileyaal si wayn loogu raad joogay, kuwaas oo loo haystey gabbood fallo ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale howlgal aad loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen...
Shakiga Natiijada Shrkii Jabuuti oo Dul Hoganaya Somaliland !!
WARARKA

Shakiga Natiijada Shrkii Jabuuti oo Dul Hoganaya Somaliland !!

December-31- 2023 Soomaaliya iyo maamul goboleedka la baxay Somaliland ayaa ku heshiiyey in dib loo bilaabo wada-hadallada lagu xallinayo arrimaha taagan, kaddib xiisado siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay iyo sannado is-mari-waa ah. Heshiiskan oo la saxeexay Jimcihii ayaa waxa uu daba socday laba maalmood oo wadahadal ah oo uu dhexdhexaadinayey madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee noocooda ah tan iyo 2020-kii markaas oo wada-hadalladan oo kale ay joogsadeen. “Wadahadal dheer kadib, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo hannaankii wada-hadallada…iyadoo diiradda lagu saarayo arrimaha danta qaranka si xal waara looga gaaro,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay si wadajir ah u daabacday madaxtooyada Soomaaliya. Gobolka Wa...
Puntland oo maanta ku dhawaaqeysa go’aan saameyn weyn ku yeelanaya SSC
WARARKA

Puntland oo maanta ku dhawaaqeysa go’aan saameyn weyn ku yeelanaya SSC

31- December-2023 Waxaa maanta la filayaa in lagu dhawaaqo liiska xubnaha Golaha Wakiilada ee maamulka Puntland, xilli ay maamulka ka taagan tahay dood la xiriirta go’aankii SSC-Khaatumo. Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa weligii ahaa 66 xubnood, sida ugu qoran dastuurka. Sidoo kale waxay Sool ku qoran tahay dastuurka Puntland, oo ah inay maamulkaas ka tirsan tahay. Waxba lagam bedelin sharciyan illaa hadda in baarlamaanka Puntland uu yahay 66 xubnood, ayada oo reer Khaatumo diideen soo xulista 17 xildhibaan, iyaga oo ku dhowaaqay ka bixitaankooda Puntland. Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland ayaa maanta lagu wadaa inay shaaciyaan liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee maamulka. Waxaa maanta dhacay baarlamaankii Puntland ee soo saari l...
ATMIS waxay ka hadashay qoryaasgeeda sannadka cusub ee 2024 ooy ku beegeeyso ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya
WARARKA

ATMIS waxay ka hadashay qoryaasgeeda sannadka cusub ee 2024 ooy ku beegeeyso ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya

31 December-2023" ATMIS waxay ka hadashay qoryaasgeeda sannadka cusub ee 2024 ooy ku beegeeyso ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya Soo afjarida Al Shabaab iyo sare u qaadidda awooda Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya (SSF) ayaa ah mudnaanta koowaad ee howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) sanadka 2024-ka, sidaasi waxaa lagu yiri barta internet-ka ee ATMIS oo soo xiganaysa Taliyaha ATMIS. Yoolalkan sanadka cusub waxaa soo bandhigay Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding iyo Taliyaha Bilayska ATMIS, CP Hillary Sao Kanu siday u kala horreeyaan fariimaha dhammaadka sanadka.
Laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid shir ballaaran oo ku saabsan amniga caasimadda Somalia ee Muqdisho
WARARKA

Laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid shir ballaaran oo ku saabsan amniga caasimadda Somalia ee Muqdisho

31- December-2023 Sidoo kale waxaa shirka ka soo qeyb-galay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, taliyeyaasha qeybta guud ee booliska iyo NISA, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, taliyeyaasha guutooyinka ciidanka Polizia Militare, taliyeyaasha qeybaha iyo saldhigyada caasimada ee Boliiska iyo Nisa. Ujeedka kulanka ayaa ahaa in wax la iska weydiiyo xaaladaha ammaan ee caasimada sanadkan 2023 ee sii dhamaanaya iyo qorshaha sugida iyo adkeynta amniga iyo xasiloonida ee sannadka soo socda ee 2024. Inta uu shirka socday waxaa sidoo kale saraakiisha laga dhageystay caqabadahii iyo casharadii laga bartay sanadkan iyo sidii loo hagaajin lahaa amniga guud ee dalka gaar ahaan kan caasim...
Manchester City ayaa sanad ciyaareedkeedii wacnaa ku soo gabagabeysay qaab ciyaareed heer sare ah➕
SPORTS, WARARKA

Manchester City ayaa sanad ciyaareedkeedii wacnaa ku soo gabagabeysay qaab ciyaareed heer sare ah➕

30- December-2023 Man City 2- 0 Sheffield Manchester City ayaa sanad ciyaareedkeedii wacnaa ku soo gabagabeysay qaab ciyaareed heer sare ah kadib markii ay garaacday kooxda Sheffield United oo dagaal ku jirtay waxayna laba dhibcood ka hoos martay kooxda hogaanka u haysa Premier League ee Liverpool. Rodri ayaa horudhac ah siiyay kooxda difaacaneysa horyaalka markii uu kubad si fiican u soo karoosay Phil Foden wuxuuna ka soo toogtay geeska hoose ee shabaqa. Daafacyada Blades ayaa la macno ah in City ay sugto inay ku darto gool labaad, laakiin Foden ayaa mar kale ahaa bixiyaha markii ay timid bartamihii qeybtii labaad, iyadoo karoostiisa hoose uu u soo dhiibay Julian Alvarez. City, oo loo caleemo saaray ku guuleysiga koobka Fifa Club World Cup ka hor Christmas-ka, ayaa ga...
Nin Maraykanka ah oo u soo safray in uu ku biiro Al Shabaab oo la qabtay
WARARKA

Nin Maraykanka ah oo u soo safray in uu ku biiro Al Shabaab oo la qabtay

30- December-2023 Nin reer New Jersey ah oo uu dhiiri galiyay falkii Xamaas ee 7dii Oktoobar ayey wararku sheegayaan inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Al Shabaab “si uu u waxyeeleeyo Maraykanka”, maxkamad federaal ah oo ku taal New York ayaa sidaa sheegtay. Karrem Nasr oo ah muwaadin Mareykan ah, kana yimid Lawrenceville, New Jersey, ayaa ka soo safray Masar, isagoo ku sii jeeday Kenya, wuxuuna doonayey, sida la sheegay inuu ku biiro oo uu tababar la qaato Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay degmada Koonfurta Mareykanka ee New York. Nasr, oo 23 jir ah, ayaa lagu xiray Nairobi 14-kii Diseembar, waxaana Khamiistii loo dhoofiyay Mareykanka, waxaana sida bayaanku sheegay lagu wadaa in halkaa lagu maxkamadeeyo. Waxaa lagu soo oogay dacwad ah in “uu isku dayay in...