Xiddiga garabka ka ciyaara ee USMNT ayaa indhaha ku haya inuu ka garab ciyaaro weeraryahanka reer Jarmal garoonka Stamford Bridge xilli ciyaareedka soo socda
Christian Pulisic ayaa la dhacay saameynta Werner ee tababarka Chelsea, isagoo ku tilmaamay xiddiga £ 47.5 milyan ($ 62m) inuu yahay ciyaartooy aad u khatar badan.
Chelsea ayaa ku guuleysatay loolanka saxiixa Werner bishii June 18, madaama uu goaansaday inuu heshiis shan sano ah u saxiixo Stamford Bridge.
24 jirka ayaa shabaqa soo taabtay 34 jeer 45 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan RB Leipzig xilli ciyaareedkii 2019-20, taasoo adkeysay sumcadiisa inuu yahay mid ka mid ah weeraryahanada ugu caansan kubada cagta Yurub.
In kasta oo xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka uu ku biiray asxaabtiisa cusub ee galbeedka London Isbuucii lasoo dhaafay, hadana waxa uu durba ku dhaqaaqy in uu muujiyo saameynta weyn ee uu leeyahay.
Olivier Giroud ayaa ahaa dooqa koowaad ee kooxda Blues tan iyo sidii uu u bilaabay xilli ciyaareedkii June, isagoo dhaliyay 7 gool oo ka caawinaya kooxda Lampard inay u soo baxaan Champions League.
Imaatinka Werner wuxuu u muuqan karaa waqtiga Faransiiska ee garoonka dhexdiisa inuu hoos u dhacay xilli ciyaareedka soo socda, laakiin wuxuu go’aansaday inuu u dagaalamo booskiisa bilowga xili ciyaareedka
“Werner looma qorin inuu kursiga keydka fariisto,” Giroud ayaa usheegay L’Equipe horaantii bishaan. “Laakiin waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan kari karo si aan madax xanuun ugu dhiibo tababaraha marka ay timaado xulashadiisa.