Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City iyo xulka Spain Rodri ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ee ragga – oo la guddoonsiiyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa sanadka.
28-sano jirkaan, oo hal kulan laga badiyay xilli ciyaareedkii hore isaga oo u ciyaaraya koox iyo wadan, ayaa abaalmarinta lagu guddoonsiiyay Paris ka dib markii uu ka caawiyay Spain ku guuleysiga Euro 2024 bishii Luulyo.
Waxa uu sidoo kale City kula guuleystay Premier League, Uefa Super Cup iyo Club World Cup.
Rodri oo ah ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda kooxda ee ku guulaysta abaal marinta Ballon d’Or ayaa abaal marintan kaga hormaray garabka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil ee Vinicius Jr.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Jude Bellingham ayaa galay kaalinta seddexaad – ciyaaryahanka ugu sareeya ee Ingariiska ah ee ku dhameysta abaalmarinta tan iyo markii Frank Lampard uu ku dhameystay kaalinta labaad 2005.
Kooxda Real Madrid ayaa ku guulaysatay abaal marinta kooxda ugu fican sanadka waxaana tababarahoodii Carlo Ancelotti uu ku guulaystay abaal marinta macalinka sanadka ee raga,laakin ma jirin cid ka tirsan kooxda oo abaal marinahaas ku guulaysatay.
Horaantii Isniintii ayaa la sheegay in Real Madrid ay qaadacday xaflada ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Vinicius uusan ku guuleysan doonin Ballon d’Or.
Rodri ayaa lagu abaalmariyay rikoorka kooxda iyo dalka
Abaalmarinta Ballon d’Or
waxa uu aqoonsaday ciyaaryahankii ugu fiicnaa sanadka, waxaana u codeeya xeerbeegtida saxafiyiinta ee ka kala socda 100ka wadan ee ugu sareeya qiimeynta Fifa ee ragga.
Waxay ahayd markii ugu horeysay tan iyo 2003-dii in midkoodna Lionel Messi, oo 37 jir ah, ama ku guuleystay shan jeer Cristiano Ronaldo, oo 39 jir ah, uusan ka soo muuqan liiska musharaxiinta.
Isagoo ka caawiyay Manchester City seddexda koob ee 2023, Rodri ayaa ku dhameystay kaalinta shanaad ee Ballon d’Or-ka sanadkii hore.
Guulihiisii joogtada ahaa ee uu la gaaray City iyo doorkii uu ku lahaa xulkii Spain ee ku guuleystay Euro 2024 ayaa u horseeday inuu noqdo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan kubbadda cagta adduunka.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa dhaawac ku baxay waqtigii nasashada ee finalka Euro ee ay la ciyaareen England, lakiin waxa uu durba sameeyay wax ku filan si loogu magacaabo ciyaaryahanka ugu fiican tartanka.
Rodri ayaa u dhaliyay City sagaalkii gool ee ugu fiicnaa xirfadiisa xilli ciyaareedkii hore, oo ay ku jiraan labo gool oo muhiim ah oo soo daahay kulamadii Premier League iyo gool uu dhaliyay horyaalka oo ay 3-1 kaga badiyeen West Ham.
“Maanta saaxiibo badan ayaa warqad ii soo qoray waxayna ii sheegeen in kubbada cagta ay guuleysatay, si ay u muuqataan ciyaartoy badan oo khadka dhexe ah oo shaqo har iyo habeen ku jira, maantana way soo if baxaysaa,” ayuu raaciyay Rodri, oo abaal-marinta la guddoonsiiyay sannadkii 1995-kii. ku guuleystay George Weah.
Harry Kane iyo Kylian Mbappe ayaa wadaagay – abaal marinta gooldhaliyaha ugu fiican
Harry Kane iyo Kylian Mbappe ayaa wadaagay Gerd Muller Trophy – abaal marinta gooldhaliyaha ugu fiican – kadib markii ay labadooduba dhaliyeen 52 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.
Iyadoo weeraryahanka Real Madrid iyo xulka France Mbappe uu maqan yahay, kabtanka England Kane ayaa kaligiis la guddoonsiiyay abaalmarinta ka dib markii uu xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay qaab ciyaareed heer sarre ah la qaatay Bayern Munich.
“Waad ku mahadsan tihiin kooxdayda Bayern Munich, dhamaan shaqaalaheyga, asxaabteyda, sida aad ii caawiyeen inaan dhaliyo dhamaan goolashii aan dhaliyay” ayuu yiri Kane oo ku dhameystay kaalinta 10-aad ee kala sareynta abaal marinta raga Ballon d’Or.
“Sharaf ayay ii tahay in aan abaalmarintan ka qaato halyeyga kooxda [Karl-Heinz Rummenigge] – aad baad u mahadsan tahay.”
Ballon d’Or 10-ka ugu sarreeya
Rodri (Spain iyo Manchester City)
Vinicius Jr (Brazil iyo Real Madrid)
Jude Bellingham (England iyo Real Madrid)
Dani Carvajal (Spain iyo Real Madrid)
Erling Haaland (Norway iyo Manchester City)
Kylian Mbappe (France iyo PSG/Real Madrid)
Lautaro Martinez (Argentina iyo Inter Milan)
Lamine Yamal (Spain iyo Barcelona)
Toni Kroos (Germany iyo Real Madrid)
Harry Kane (England iyo Bayern Munich