28,600 oo tan oo Qamadi Ukrainian ah ayaa todobaadyada soo socda lagu wadaa in ay soo gaarto Soomaaliya

10″ September “2022

28,600 oo tan oo Qamadi Ukrainian ah ooy soo iibisay WFP ayaa todobaadyada soo socda lagu wadaa in ay soo gaarto Soomaaliya sida Madxweynaha Ukraine 🇺🇦 Zelensky uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka Dheeho.com

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray 28,600 oo qamadi laga dhoofiyay Ukraine in dhawan uu soo gaari doono Somalia iyadoo shirkad Somaliland laga leeyahay ay sheeganayso lahaanshaha shixnada Ukraine ee ku wajahan Soomaaliya.

Zelensky ayaa qoraalkiisa ku yiri Ukraine waxa ay sii waddaa in ay dunida ku badbaadiso haruurkeeda.🇺🇦 Marka laga soo tago maraakiib hore oo sida 🇺🇦 badarka Afrika, 28,600 oo tan oo Qamadi ah ayaa todobaadyada soo socda imaan doona Soomaaliya 🇺🇦 iyadoo UN ay saadaalisay macaluul daran oo laga cabsi qabo Somalia in ay ka dilaacdo dhamaadka sanadkan

Ahmed Farah Harbi oo ah ganacsade reer Somaliland ah ayaa sheegtay la壯陽藥 haansha cunadaas oo uu filayay inay bishii hore ee September ay ka soo degto degeda Berbera Isaga oo intaa raaciyay in shirkadooda Al-Wadaniya ay ka soo iibsatay dalka Ukraine , ganacsatadan reer Somaliland ayaa is iloowsiinaya Ukraine in ay aysan aqoonsaneeyn wax ka yar Somalia

Waxaa jira cuno kale oo Sarkaal reer Ukraine uu horey u sheegay oo ah markab sida 23,000 tons oo qamadi ah oo ay leedahay WFP in loogu talagalay dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen ee degan Somalia iyo Ethiopia kaas oo dabayaaqadii bishii hore ku xirtay DJibouti

Leave a Reply