GAROWE — August “4 “2021”

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa maanta soo saaray liiska saxda ah ee cod bixiyayaasha degmooyin ka tirsan deegaannada Puntland, kuwaasi ka qeybgali doona doorashooyinka gollayahaasha deeggaanka ee nidaamka xisbiyada oo marki ugu horreysay lagu qaban doono Puntland bisha October ee sannadkan, talaabadan ayaa timid xili maamulka putland laga sugayo doorashada aqalka safe

Madaxweyne Deni oo laga codsaday in uu soo gudbiyo Liiska Musharixiinta

Guddiga Doorashooyinka Heer Puntland ayaa Warqad codsi ah u diray Madaxweynaha Puntland taasoo kusaabsan in uu u soo gudbiyo liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Warqadda ayay Guddigu ku xuseen in la joogo wakhtigii lagu heshiiyay in la qabto Doorashada Senetarada Aqalka Sare ayna ka codsanayaan Madaxweyne Deni soo gudbinta liiska Musharixiinta.

Doorashada Senetarada Aqalka Sare ayaa ka bilaabatay Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaana la filayaa in Maamulada harsan dhawaan laga bilaabo.

sida aan ilo xog ogaal ah kasoo xiganay Madaxweyne Deni ayaa Arbacada beri ah soo saari doona Liiska musharixiinta u tartami doona kuraasta Aqalka Sare.

Leave a Reply