9″ May”2022″ MUQDISHO
Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qaatay Shahaada Musharaxnimo ee Doorashada Madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo oo shantii sano ee la soo dhaafay hayay xilka, ayaa mar kale doonaya in uu ku guuleysto afar sano oo kale.
Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa maalintii labaad wada diiwaan gelinta Musharaxiinta oo tiradoodu 30 kor u dhaaftay.
Maalinta Axadda oo taariikhdu ku beegantahay 15 bisha May ayaa lagu wadaa in Teendhada Afisiyooni ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.
Labada Aqal ee baarlamaanka ayaana fadhi wadajir ah ku dooran doona Madaxweynaha xiga ee Soomaaliya, ka dib muddo sannad ah oo Doorasho daba dheeraatay ay ka socotay dalka.
Illaa 32 musharax ayaa illaa hadda isu diiwaangeliyey doorashada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shahaadada musharaxnimo ka qataya guddiga doorashada ee baarlamanka.
Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa shalay ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Guud ahaan waxaa shalay is-diiwaangeliyey illaa 10 musharax oo kala ah: Shariif Sheekkh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdinuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.
Xayeeysiis
Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa sii socotay maanta waxaana sidoo kale is-diiwaangeliyey madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo kursiga iyo 20 musharax oo kale.
, Dr. Saciid Ciise Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Muqtaar Maxamed Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Jamaal Axmed Ibraahim, Maxamuud Daahir Aweys, Ridwaan Xirsi Maxamed, Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiq, Nucmaan Shiekh Cumar, Muqtaar Maxamed Sayid, Jabriil Ibraahim Cabdulle, Maxamuud Daahire Aweys, Xuseen Cabdi Nuurow, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) iyo Cabdulaahi Cali Axmed( Cadoow Cali Gees) iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam oo ah haweeneyda kaliya ee xilkan u taagan.
Musharaxiinta ayaa lagu xiray shuruudo ay ka mid yihiin inay bixiyaan lacag is-diiwaangelin oo gaareysa $40,000, inay haystaan saxiixa 20 xildhibaan oo taageersan iyo soo gudbinta barnaamij siyaasadeedkooda oo qoran.
Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa ku eg berri, ayada oo doorashada madaxweynaha la qorsheeyey inay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhacdo Axadda 15-ka May 2022.
Haddii uu sida loo qorsheeyey u dhaqan-geliyo jadwalka doorashada, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii Farmaajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021.
Xayeeysiis
Waxaa Maalinta labaad weli magaalada Muqdisho ka socda diwaan-gelinta Musharixiinta u taagan Doorashada Xilka Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, kaasi oo ka socda Xarrunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho.
Shalay Ayaa Waxay Isdiiwaan Galiyay ilaa 10 Musharax
Guddiga Qaban qabaada Doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in ay weli socoto is diiwaan gelinta, iyadoo ilaa hadda ay isdiiwaan geliyeen tiro Musharixiin ah.
Musharrax Shariif Shiikh Axmed
Musharrax Daahir Maxamuud Geelle.
Musharrax C/qaadir Cosoble Cali
Musharrax Xasan Cali Kheyre
Musharrax Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)
Musharrax C/laahi Cali Xasan
Musharrax C/Nuur Shiikh Maxamed
Musharrax C/raxmaan Cabdishakuur
Musharrax C/Kariim Xuseen Guuled
Musharrax C/raxmaan Ablaal.
Maanta ayaa la filayaa in musharixiin kale ay is diiwaan geliyaan, iyadoona Is diiwaan gelinta ay socon doonta ilaa 10 bishaan May oo ku beegan Maalinta Talaadada