Doorashada Aqalka sare xubnaha ka soo jeeda Somaliland oo lix ka mid ah la doortay

Wednesday ” 29″ September “2021 Muqdisho

Doorashada xubnaha kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo lix kursi maanta la dooranayo

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku soo baxay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Saciid Cumar Xuseen waxana cod gacan taag ah uu ku helay 44 cod.

Kursiga labaad ee doorashad ayaa waxaa ku tartamay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibrahim Iidle Suleymaan, waxana ku guuleystey Saalax Axmed Jaamac.

Wasiirka Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa uu helay 29 Cod halka Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibrahim Iidle Suleymaan uu helay 12

Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa loo doortay mid kamid ah kuraasta Senatarada Aqalka Sare ee maanta doorashadiisu ka dhacday magaalada Muqdisho.

Cusmaan Dubbe ayaa waxa uu helay codad gaaraya 28 cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabdikariin Maxamed Xasan uu kahelay codad gaaraya 17 cod halka uu hal cod uu xumaaday.

Senator Layla Axmed Ismaaciil, ayaa cod gacantaag ah ku heshay 39 cod, kadib markii uu musharaxnimadii ka tanaasulay Maxamed Maxamuud Cabdi.

Dhinaca kale waxaa Kursiga Shanaad ku guuleysatay Leylo Axmed Ismaaciil kadib markii uu u tanaasulay musharaxii kursiga kula qornaa oo ahaa Maxamed Maxamuud

leylo Axmed Ismaaciil ayaa cod gacan taag ah ku guuleesatay, waxaana ay heshay 39 Cod halka 6 kalana ay ka aamuseen

.

Proff Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Proff Cismaan Abuukar Dubbe ayaa markii ugu horeysay ka mid noqday senatarada Aqalka Sare ee maanta lagu doortay magaalada Muqdisho

Kursiga Lixaad ayaa waxaa ku guuleystey Bilaal Idiris C/laahi oo loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Jambuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply