35,307 arday oo dhigata 656 iskuul ayaa maanta u fariisatay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

10 – June-2024- Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka billowday Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada dhexe ee fasalka 8-aad, waxaana imtixaanka ka qeyb qaadanaya arday tiradoodu kor u dhaafeyso 35-kun oo arday, kuwaas oo imtixaanka ku galaya 93 xarumood

Ku simaha Guddoomiyaha G/Banaadir, ahna guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daah furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir oo ay u fariisteen 35,307.

Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 (wiil) iyo 15,541 (Gabdhood) ,