24″ Dec”2021 By/Axmed saadaq Yuusuf
4.6 Milyan Oo Ay Soo Food Saartay Xaalado Adag Kadib Markii….. Saddex xilli oo abaar xiriir ah ayaa dad lagu qiyaasay 3.8 milyan qof oo Soomaaliya ku nool ka dhigay inay soo wajahdo cunto yari aad u daran illaa bishii 1-aad ee sanadka soo soco sida UNICEF sheegtay Khamiistii.
Waxayna tirooyinkaasi kor u qaadi doonaan 4.6 milyan marka la gaaro May. “Biyo la’aan darran iyo sare u kaca qiimaha cunnada ayaa Soomaaliya ka dhigay dalka Geeska Afrika ee ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen,” ayaa lagu yiri warbixinta Q/Midoobay.
Inkastoo hay’adda Q/Midoobay ay dhulka Soomaalida meelo ka mid ah ka samaysay biyo-dhaamin iyo dayactirka goobaha biyaha ee Soomaaliya 2021-ka, sida lagu sheegay bayaanka. Hay’adda Q/Midoobay ayaa sheegtay inay taageero nafsaani ah siiso 64,818 carruur ah iyo daryeelayaal, 66%.
Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo bini’aadantinimo iyadoo dalku uu wajahayo abaartii ugu darneyd ee soo marta tobanaan sano. Gobollada ugu darran ee abaarta iyo biyo la’aanta ay saameysay waxaa ka mid ah Gedo, Baay, Bakool, Jubbada壯陽藥 Hoose, Galgaduud, Mudug, iyo qeybo ka mid ah Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Togdheer iyo Hiiraan. Ilaa 2.6 milyan oo qof ayaa soo food saartay biyo la’aan. In ka badan 2 milyan oo ku nool 66 degmo ayaa u baahan kaalmo degdeg, islamarkaana u baahan doonaan biyo nadiif ah, fayadhowr iyo adeegyo nadaafadeed 6 bilood ee soo socota.
Q/Midoobay ayaa horay uga digtay inay halis ku jiraan 1.7 milyan oo carruur iyo haween ah kuwaas oo la soo deristay khataraha intooda badan sababo la xiriira kheyraadka biyaha oo xaddidan. Abaarta Soomaaliya oo ah tii ugu darneyd muddo tobanaan sano ah ayaa waxaa horay ugu dhintay 13 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.
Abaartu waxa ay sii kordhinaysaa dayacaanta darran iyo baahiyaha bini’aadantinimo ee ay sababeen colaadaha, ammaan darrida daba dheeraatay, jaahwareerka cimillrda iyo cudurr. W/Diyaariyey:-
By/ Axmed saadaq Yuusuf.