4_tee U Soo Gudbi Doonta Semifinal ka Euro 2024..?

4-July-2024-Reuters

4_tee U Soo Gudbi Doonta Semifinal ka Euro 2024..?

Kaddib ciyaar madadaalo ah oo lagu reebay xulkii difaacanayay koobka ee Italy iyo Belgium ayaa Euro 2024 waxa uu galiyay wareegga 8-aad iyadoo labo kulan la ciyaarayo Jimcaha labo kalana loo balnsan yahay sabtida

Xiriirka kubbada cagta Yurub ee UEFA, ayaa bixin doona 331 milyan oo Yuuro ($360m) taas oo ah lacagta abaal-marinta ee kooxuhu ay ku tartamayaan oo la siin doona xulka ku guuleysta koobka.

Wareega 8-dhamaadka, Spain ayaa ah kooxda kaliya ee 100% ku guuleysata rikoor wabaagsan, iyagoo dhaliyay sagaal gool afar kulan oo ay ciyaareen.

Germany oo ah xulka martida loo yahay ayaa noqday kooxda ugu weerarka fiican iyaga oo dhaliyay 10 gool sidoo kale lagama badin marnaba waxayna wataan seddex guul iyo hal barbar dhac.

Turkiga ayaa wacdaro ku soo bandhigay ciyaaraha Euro 2024 kadib markii ay ku garaaceen Austria oo aad loo jeclaa wareegii 16-ka, iyaga oo sabtida ay fooda isdarayaan Netherland

Markii uu soo koray Kylian Mbappe ayaa darbigiisa ku sawirnaa masawirada Cristiano Ronaldo Jimcaha, Mbappe waxa uu ka hor iman doonaa Ronaldo jir ahaan wali adag oo iska cabin kara iyadoo coyaarta Xulalka France iyo Portugal ee wareega 8da Euro 2024 uu yahay kulan adag oo isha lagu hayo si la mida kulanka England ay la ciyaarayaan Switzerland sabtida

⚽ Waa kuwee kooxaha u soo baxay wareega 8da?

Jarmalka
Isbayn
England
Faransiiska
Portugal
Turkiga
Switzerland
Nederlaan

Spain vs Germany: Jimce, 6pm (16:00 GMT) garoonka Stuttgart Arena ee Stuttgart

Portugal vs France: Jimce, 9pm (19:00 GMT) garoonka Volksparkstadion ee Hamburg

England vs Switzerland: Sabtida, 6pm (16:00 GMT) garoonka Dusseldorf Arena ee Dusseldorf

Netherlands vs Turkey: Sabtida, 9pm (19:00 GMT) ee Olympiastadion ee Berlin

⚽ Taariikhda Kulamada kale ee Harsan !!

Semi-finalka 1: July 9 ee Munich

Semi-finalka 2: July 10 ee Dortmund

Finalka July 14 ee Berlin

⚽ Yaa dhaliyay goolasha ugu badan..?

Afar ciyaaryahan ayaa ku xiran gooldhalinta ugu sareysa iyagoo leh min seddex gool – Georges Mikautadze (Georgia), Jamal Musiala (Jarmalka), Cody Gakpo (Netherland) iyo Ivan Schranz (Slovakia).

Siddeed ciyaartoy ayaa kaalinta labaad kaga jira liiska laba gool.

Kuwaas waxaa ka mid ah Harry Kane ee England iyo Jude Bellingham, Jarmalka Niclas Fullkrug iyo Kai Havertz, iyo Merih Demiral ee Turkiga.