Ciidamada Xoogga Dalka qeybta 21-aad gaar aaan Guutada 15-aad ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaanka Miir-dugul oo duleedka Koonfur kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA sheegtay in dagaal xoogan uu dhexmaray Ciidanka dowladda iyo dagaalayahano ka tirsan Al-shabaab, isla markaana ay shabaab isaga tageen deegaanka Miir-dugul oo ay ku sugnaayeen.
Ciidamo ka tirsan Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad oo howlgalkan fuliyay ayaa ku sugan aagii lagu dagaalamey, waxaana goobta isaga baxsadey Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan, waana sida hadalka loo dhigay.
Al-shabaab ayaa laba heen kahor weerar ku qaaday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ay dagaal kula galeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Garoonka